Dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo maamulka Shabelle

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo maamulka Shabelle

Post by Hiiraan boy »

Dibadbax ka dhan ah maamulkii dhawaan loo magacaabay gobalka Sh/Hoose oo maanta halkaasi ka dhacay.

Sh/Hoose , Khamiis, May 31, 2007 Simba Radio

Dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo maamulkii dhawaan ay dowladda KMG ah u magacaawday gobalka Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxa uu ka dhacay degmada buulo aruude ee gobalkaasi.

Dibadbaxa ayaa waxaa kasoo qeyb galay kumanaan ruux oo isugu jira Odayaal, Waxgarad, iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobalka, iyagoo tilmaamay in maamulka uu yahay mid aan loo dhameyn, isla markaana uusan sharciga waa faqsaneyn.

Dibadbaxayaasha ayaa ka codsaday dowladda KMG ah in ay ka laabato maamulka ay gobalka u soo magacaawday, isla markaana waxa sheegeen in wax walba lagu dhameeyo shaciga, iyagoona sheegay in aysan joojin doonin dibadbaxa illaa laga siinayo xaqa ka maqan.

Jeylaani Mayoow oo ka mid ah kasoo qeyb galayaasha dibadbaxani ayaa waxa uu Simba u sheegay in madaxda dowladda oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo sidoo kale Ra'iisalwasaaraha ay ka codsanayaan in lasiiyo xaqooda.

Si kastaba ha ahaatee, dibadbaxani maanta ka dhacay gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu ku soo beegmayaa maalin kadib markii magaalada Muqdisho uu kulamo kula qaatay gudoomiyaha cusub ee gobalka Sh/Hoose gudoomiyayaasha degmooyinka gobalka Banaadir, kaasi oo looga wada hadlayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen shacabka ku dhaqan Sh/Hoose iyo Muqdisho.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”