Hay’adda CRD: Socdaalka Nabbada ee gobolka Hiiraan

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Hay’adda CRD: Socdaalka Nabbada ee gobolka Hiiraan

Post by Hiiraan boy »

Mogadishu 01, June.07 ( Sh.M.Network) Waxaa maanta ka bilaawday Gobolka Hiiraan Socdaal loogu magacdaray socdaalka Nabadda “Hiiraan Peace Caravan” . Socdaalkan oo ay hor-kacayaan dhamaan Ugaasyadda Gobolka Hiiraan waxaa uu tagi doonaa dhamaan degmooyinka, tuulooyinka, ceelasha biyaha uu ka kooban yahay Gobolka. Socdaalka Nabadda waxaa looga gol-leeyahay in uu sii adkeeyo nabada ka jirta degaanada uu ka kooban yahay Gobolka Hiiraan isla markaana uu ka hortago wixii colaad ah.

Barnaamijka oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed (CRD), waxaa uu daba socdaa guulihii laga gaaray colaadihii horay uga dhacay deegaanka. Xarunta Cilmi Baarista iyo Watashiga Soomaaliyeed – (CRD), iyada oo kaalmaysanaysa Hay’adda Interpeace, waxaa ay ku guuleeysatay in ay gacan ka gaysato xalinta colaado horay uga dhex dhacay dadka ku dhaqan deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaaso o ay ka mid yihiin, soo afjarida colaadii Maxaas, Wadahaalkii Beeelaha Gaaljacel ee isku hastay deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan iyo fududeeynta wadahadalka qabaa’ilka Soomaaliyeed ee isku hastay deegaanada ku dhaw-dhaw Xuduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

CRD waxaa ay sidoo kale horay ugu guulaysatay xalinta, colaadihii daba dheeraaday ee ka dhacay Mudug iyo Gal-gaduud iyo sidoo kale colaadi ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolka Jubadda Hoose.

Odoyaasha dhaqanka iyaga oo ka fakaraya in Colaado hor leh yimaadaan amaba nabadii horay loo gaaray ay faraha ka baxdo, ayaa waxaa y goosten in ay socod dheer ay ku maraan guud ahaan deeganada Gobolka Hiiraan. Iyaga oo ku adkeeynaya dadka deegaanka in ay nabada sii ilaaliyaan.

Socdaalkan Nabadda waxaa uu tagi doonaa deegano aad u fara badan inkastoo odayaasha ka qayb-galaya ee ay tagi doonaa meelo badan, hadana waxaa ay si dheeraad ah waqti u galindoonaan deeganada colaadaha looga baqayo si looga hortago colaadahaas.

Waxan shaki ku jirin in socdaalka noocaani ah uu dib u soo celin dooni kalsoonidii shacabku isku qabay.

By CRD Team
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”