israsaaseyn dad ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen oo ka dhacday agagaarka isgoyska CaliKamiin oo fariisin u ah Ciidamada itoobiyaanka.
June -01-2007-HornAfrik, Mogadishu
israsaaseyn qadar daqiiqado ah socotay ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Calikamiin ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay fariisin ka dhigteen Ciidamada itoobiyaanka kadib markii ay ka itaal roonaadeen kooxihii kula dagaalamayey gudaha Caasimada Muqdisho.
waxaa dadka deegaanka oo ay xariir la sameysay Idaacada Hornafrik ay xaqiijiyeen in Ciidamada itoobiyaanka ee kusugan isgoyska Calikamiin iyo xaafadaha ku teedsanba, halkaasi ka dhacday israsaaseyn xoogan oo daqiiqado kooban socotay taasoo aan la shaacin in ay ahayd mid lagu soo weeraray Ciidamada itoobiyaanka ee goobtaasi degan iyo in kale.
waxaa sidoo kale dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in qof rayid ah oo ah wiil dhalinyara ah uu dhintay mid kalena uu dhaawac ka soo gaaray tacshiirad ay fureen Ciidamada itoobiyaanka iyadoo dhinaca kale ay sheegeen dadka deegaanka inay arkeen askari katirsan Ciidamada itoobiya oo geeriyooday walow aan si cad loo shaacin.
wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in nin hubeysan uu bartilmaameedsaday labo ka mid ah Ciidamada itoobiyaanka oo taagnaa goob ka baxsan halka ay ku badanyihiin Ciidmada itoobiyaanka ee isgoyska iyo xaafada CaliKamiin ee Magaalada Muqdisho.
ilaa iminka si cad uma cada sababta dhalisay israsaaseyntaasi iyadoo dhamaanba xaafadaha ka ag dhaw goobtaasi si guud looga maqlay xabadaha waxaana islamarkiiba ay xireen Ciidamada itoobiyaanka dhamaan jidadkii halkaasi soo galayey.
dhan kale howlgal ay saaka subaxii hore ka bilaabeen Ciidamada itoobiyaanka deegaanka Towfiiq ee magaalada Muqdisho ayaa ilaa maanta socday iyadoo dadka deegaanku ay xaqiijiyeen in sadax nin oo ka mid ah dadka degan xaafadaasi ay wateen Ciidamada itoobiyaanka.
lama sheegin ilaa iminka waxa ay Ciidamada baarista sameeyey ee itoobiyaanka gacanta ku dhigeen iyadoo dadka deegaankana ay cabsi iyo walwal kamuujinayaan arrintaasi.
wixii warar ah ee ku aadan dhacdooyinkaan kala soco boga wararka ee Hornafrik.com
BREAKING NEWS israsaaseyn dad ay ku dhinteen kuwa kalena ay
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 224 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 90 Replies
- 60759 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 14 Replies
- 5730 Views
-
Last post by LionHeart-112
-
- 21 Replies
- 9853 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 320 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 0 Replies
- 3559 Views
-
Last post by MenaceToSociety
-
- 0 Replies
- 254 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 8 Replies
- 610 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 0 Replies
- 520 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 4 Replies
- 619 Views
-
Last post by S-D-M