

COUSIN IN BUHOODLE AND HE TOLD ME SUBMACHINE GUN BUU
LADHAACAY NIMAANKII CANTROOLKA BURCO LOGA GALO DA CITY



PPL SAID AND WEBSITES. ANYWAY THIS WAT DA OTHER SIDE
SAID...
a ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba
Xaqiiqada dhabta ah ee xasuuqii ka dhacay magaalada Buuhoodle .
(Buuhoodle, June 01, 2007, Ceegaag Online)
Abbaaraha 9:30 subaxnimo ee manta oo Jimce ah ayaa wiil dhallinyaro ahi ku dilay nin markaa ka xoogsanayay dhismo laga dhisayay magaalada Buuhoodle. Ninkaas la dilay oo loo dilay aano qabiil oo daba socota xasuuqii ka dhacay magaalada AANGALO bishii May 13, 2006. Intaas ka dib ayaa dhallinyaro ka soo jeedda ardaagii laga dilay ninkaas ay si gaadmo iyo gooni gooni ah ugu dileen 3 nin oo ka soo jeeda beesha ninkii hore dishay illaa 2 ninna waa ka dhaawaceen. Intaas ka dib dadkii magaalada jaahwareer iyo kala yaac ayaa ku dhacay.
Dhallinyaro gaadhaysa illaa 20 oo ka soo jeeda beesha laga dilay 3 nin ee gaadmada lagu dilay oo badankoodu aanay wax hub ah sidan ayaa uga baxay magaalada dhinaca kontoroolka Burco. Iyagoo halkaas u tagay in ay isku difaacaan. Abbaaraha 1:30 duhurnimo ayaa ciidankii Buuhoodle joogay oo hal beel ah, booliskii iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha xasuuqa gaysatay ay ku baxeen meeshii dhallinyarado joogtay halkaasna ay ku xasuuqeen iyagoo adeegsanaya qoryaha waawayn ee uu ka mid yahay qori SUU ah 2 BEE BEE iyo tiknikadaii Buuhoodle joogtay oo dhan.
Waxaa goobtaas ku nafwaayay 11 ka mid ah dhallinyaradii halkaas joogtay iyagoon habayaraatee aan wax xabaddad ah ridin war ma qabtana ahaa .. Waxaa wariyahayaga Buuhoodle u xaqiijiyay shabakadda CEEGAAG in raga dhaawaca ahi ay kor u dhaafeen illaa 10 qaarkoodna ay ku nafwaayeen iyagoo loo sii wado cusbitaalka LAASCAANOOD. Waxaa wariyahayaga Buuhoodle noo xaqiijiyay in dhimashada guud ee beesha Hayaag uu yahay 15, halka beesha reer Hagar ee xasuuqa gaysatayna uu ku koobanyahay ninkii ugu horreeyay ee fidmadu ka dhacday. Waxaa kaloo wariyahayaga Buuhoodle noo xaqiijiyay in dhib badan lagala kulmay aasiddii dadkii lagu xasuuqay halkaas taas oo ay sabab u ahyd qoryihii waawaynaa ee lala beegsaday.
Waxaa kaloo ay noo xaqiijiyeen odayaal ka soo jeeda beesha Hayaag in dagaalkan danbe ee lagu xasuuqay dhallinyaradaas uu ahaa mid qorshaysan ayna abaabulkiisa wax ka dejiyeen taliyayaasha ciidamada huwan magaca maamullada Soomaaliland iyo Puntlaand kuwaas oo ka soo wada jeeda hal beel. Waxaa kale oo odayaashu noo xaqiijiyeen in shir deg deg ah oo ay qaateen beesha reer Hagar ay go,aankaas ku gaadhay in si aan kala sooc lahayn loo laayo beesha Hayaag oo markaas aan magaalada wax sidaas u badani ka joogin wax hub ahna aan sidan.
Waxaa nasiib darro ay ku tilmaameen odayaasha beesha Hayaag in wargaysyada iyo websiteyada qaarkood ay qoreen warar been ah oo sheegaya in dagaal u dhexmaray labadaas beelood ee wada dega degaanka buuhoodle kaas oo aan sal iyo raad toona lahayn, balse beel ka mid ah beeshaasi ay gaysteen xasuuq aan loo miidaan dayin.
Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa socda gurmad labada dhinac ee colaaddu u dhaxayso kuwaas oo ka kala imanaya degaannada ku xeeran magaalada Buuhoodle.
Bahda shabakadda CEEGAAG iyagoo ka xun xasuuqaas ka dhacay Buuhoodle waxay tacsi u dirayaan dhammaan dadkii ku nafwaayay mashaqadaas ka dhacday Buuhoodle.
Wixii warar ah ee soo kordha dib ayaan idiinka soo sheegi doonnaa.