Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir oo xaalad cabsi iyo welwel leh tii ugu sareysay ay soo wajahday ka dib markii ay sii kordheen ugaarsiga iyo dilalka lagu hayo
Tan iyo markii dowladda federaalka Soomaaliya ay soo gaartay magaaladan Muqdisho 28-kii bishii Disembar ee sanadkii hore, iyadoo ay gelbinayaan ciidamada Itoobiya oo hub aad u cul-culus ku hubeysan ayaa waxaa gudaha caasimada ka bilowday dilal iyo qaraxyo ay wadeen kooxo dowladda ka soo horjeeda, kuwaasoo intooda ugu badan lala beegsanayey mas’uuliyiinta, saraakiisha iyo, ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, waxaana bartilmaameedyada la beegsanayo ka mid ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Qaraxyadan iyo dilalkan abaabulan ayaa waxa ku geeriyooday qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir, halka kuwo kalena ay fara cidiyo leh kaga badbaadeen, waxaana kuwa ugu badan ee ku dhintay weeraradaasi ay ka tirsan yihiin yihiin marka laga reebo ciidamada, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo iyagu bartilmaameed nugul noqday, waxaana mudadii 3 bilood aheyd ee tagtay lagu dilay magaaladan Muqdisho ilaa 3 Guddoomiye degmo iyo hal ku-xigeen, kuwaasoo kala ahaa gudoomiyeasha degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa iyo H/wadaag oo isagu ahaa kii ugu dambeeyey ee xalay lagu dilo magaaladan Muqdisho.
Qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir ayaa marka aad la sheekeysato waxay kuu sheegayaan in habeen iyo maaalin ay ku shaqeeyaan welwel iyo casbsi aad u fara badan oo ay ka qabaan weeraro ay suurtagal tahay inay kaga yimaadaan kooxahan dilalka gaadmada ah u geysanaya iyaga, waxayna kuu sheegayaan gudoomiyeyaashu in sababaha keenay iney bartilmamaeed nugul u noqdaan kooxahan ay tahay guddoomiyeyaasha oo aan laheyn ilaalo u gaar ah, isla markaana magaalada isaga dhex jibaaxa sida dadka caadiga ah iyagoo keli keli ah oo aysan jirin cid la socota, taasoo ay sheegeen iney keentay in si fudud ay ku ugaarsadaan kooxahan wax dilaya.
Inkastoo dowladda federaalka Soomaaliya ay heysato ciidamo aad u fara badan oo amaanka suga, haddana waxay u muuqata mid ku guuldareysatay iney sugto nabadgelyada mas’uuliyiinteeda ka howlgala caasimada iskaba daa amaanka shacabkeeda, waxaana taa daliil u ah dilalkan soo noq-noqday ee maalin walba lagu hayo mas’uuliyiinteeda oo u hadda noqday mid faraha ka sii baxaya, dhinaca kale, dad badan ayaa isweydiinaya haddii ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda, maamulka iyo guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir ee la doonayey iney amaanka wax ka qabtaan ay iyaga lafahooda u baqayaan cida sugeysa amaanka shacabka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale dad badan ay isweydiinayaan haddii dowladdu ay awood u yeelan weysay iney sugto amaanka mas’uuliyiinteeda gaar ahaan guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir oo u muuqda kuwo hilibkoodu haada u waran yahay sida ay u gudan karto waajibaadka shacabkeedu ka sugayo.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir very afraid
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 795 Views
-
Last post by michael_ital
-
- 2 Replies
- 1675 Views
-
Last post by Ayub21
-
- 1 Replies
- 10 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 12 Replies
- 1658 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 0 Replies
- 695 Views
-
Last post by abdi ilyas
-
- 0 Replies
- 2326 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 1177 Views
-
Last post by Strategic
-
- 0 Replies
- 2026 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 6 Replies
- 1159 Views
-
Last post by Caesar
-
- 6 Replies
- 34034 Views
-
Last post by reerbrazil_mudug