Askari ka tirsan ciidamada dfkmg oo lagu dilay Suuqa Bakaara

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Askari ka tirsan ciidamada dfkmg oo lagu dilay Suuqa Bakaara

Post by Hiiraan boy »

Askari ka tirsan ciidamada dfkmg oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha iyo dad rayid ah oo ku dhintey rasaas ka dhacdey Suuq
Posted to the Web Jun 02, 14:36


Muqdisho:-Askari ka tirsan ciidamada dfkmg ayaa maanta lagu dilay qeybta dawada ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in askarigaasi ay dileen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn kuwaasoo baxsaday kadib markii falka dilka ah uu dhacay.

Dilka askarigan ayaa yimid xilli guddoomiyihii degmada Hawlwadaag Xasan Farey xalay lagu dilay agagaarka xarunta degmada xilli la sheegay in uu ka soo baxay masjid ku yaal agagaarka degmada taasoo qeyb ka ah u gaarsi lagu hayo masuuliyiinta iyo ciidamada dfkmg.

Dhinaca kale askari ka tirsan ciidamda dfkmg ayaa maanta hal ruux ku dilay mid kalena ku dhaawacay kadib markii uu rasaas ku furay dad doonayay in ay mar aan waddo u xirneyd ciidamada dfkmg, waxaana la xaqiijiyay in askariga ay rasaas kaga fakatay nin doonayay in uu halkaasi maro ayadoo xabadii ku dhacday ninkaasi ay u gudubtay ruux kale oo wax ka iibsanayay goob ganacsi.

Gaadiidka iyo dadweynaha ayaa loo diiday in ay maraan qeybo ka mid ah suuq Bacaad xilli halkaasi kulan uu uga socday dhismo kuyaal suuqa saraakiisha Ethiopia iyo waxgaradka iyo ganacsatada suuqa oo ka hadlayay xaalada nabad gelyo ee suuqa iyo ganacsato ay qafaasheen ciidamada dfkmg.

Halgan.net
C/qaadir Osman
Muqdisho
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”