Page 1 of 1

Madaxweyne Rayaale iyo wafdi la socday oo diyaarad ay raaci

Posted: Sun Jun 03, 2007 5:59 am
by Hiiraan boy
Madaxweyne Rayaale iyo wafdi la socday oo diyaarad ay raaci lahaayeen dib uga dhacay ka gadaal markii qadar nus-saac ah lagu baarayay Airporka Addis ababa

waxaa shalay ka ambabaxay Magaalada Hargaysa Madaxweynaha Jamhuuuriyada Somaliland Daahir Rayaale kaahin iyo wafdi uu Hogaaminayay oo ku sii jeeday qaar ka mid ah dalalka Scandanvianka oo ka tirsan qaarada Yurub ka dib markii ay casuumaad ka heleen mas’uuliyiintooda, iyagoo safarkooda sii maray magaalada Addis ababa e dalka Itoobiya.

Rayaale iyo wafdigii la socday ayaa la sheegay in ay dib uga dhaceen waqtigii ay duuli lahaayeen ka dib markii Mas'uuliyiinta Shirkadda dayuuradaha ee Itoobian Airlines ay amartay in isaga iyo xubnaha la socda mid mid loo baaro iyaga iyo qalabka iyo weliba boorsooyinka ay wataan, waxaana sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa Garoonka arintaasi ka dhashay muran iyo is maandhaaf ku saabsan baaritaankaas Madaxweynaha iyo wafdigiisa lagu sameynayo.

Sida warku sheegayo waxaa mudadaas ay xayirnaayeen Rayaale iyo xubnaha la socday iskadaba laabanayay wasiirka aririmaha dibeda iyo kan duulista Hawada ee maamulka Somaliland oo labadaba isku dayayay in ay xaalada dajiyaan isla markaana aysan dareemin rakaabkii raacayay diyaarada iyo in la baarayo madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxayna sheegeen qaybta baarista ee Airaporka in ay amar u haystaan in ay baaraan wafdiga Rayaale iyo baasaboorada ay wataan, taasi ayaa waji gabax ku noqotay maamulka Somaliland oo isagu la jaal ahaa Dalka Itoobiya.