Prof.Geedi Oo Hor-istaagay Safarkii Guurtida Hawiye...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Prof.Geedi Oo Hor-istaagay Safarkii Guurtida Hawiye...

Post by Hiiraan boy »

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay Ilo xogogaal ah oo ku dhow Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa sheegaya in Safar Odayaasha ay ugu ambabixi lahaayeen dhowaan dalka Belgium laga hor istaagay, waxaana lagu sababeeyay in shirkaas uu yahay mid lid ku ah Kooxda Imbagathi & Shirka Dib u Heshiisiinta Qabanqaabineyso...
Afhayeenka Guurtida Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa dhowaan sheegay in Midowga Yurub uu Golaha Guurtida casuumaad usoo diray si wada tashi looga yeesho arrimaha cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan Caasimad oo ay qeyb weyn ka qaadan karaan, Casuumaad la soo gaarsiin lahaa Odayaasha oo ay ugu ambabixi lahaayeen Dalka Belgium ee Xarunta Midowga Yurub ayaa Kooxda Imbagathi xayirtay, iyadoo safarkaas ku tilmaantay mid aan marka hore lala socodsiin, waxeyna u aragtaa Odayaasha Hawiye iney qeyb ka yihiin qul qulatooyinka siyaasada ee ka jira Caasimada, kadib Dagaal Ciidamadoodu ka galeen kuwa Ethiopia oo loogu awood sheegtay, talaabada ay ku hor istaagtay safarka Odayaasha Beelaha ugu ambabixi lahaayeen ayaa noqoneysa tii labaad, iyadoo ay ka hor timid shir weyne Dowladda Talyaaniga qaban qaabisay kaaso oo in ku dhow Boqolaal haween oo Soomaali ah kaga qeyb geli lahaayeen magaalada Roma, waxaana sidoo kale Golaha Guurtida Hawiye Eedeyn u Jeediyay Hogaamiye Kooxeedka Magaalada Madaxa ka ah Maxamed Dheere, isagoo sheegay iney qeyb ka yihiin qaraxyada iyo dilalka ka dhacaaya magaalada Muqdisho, dad badan ayaa aamisan in Kooxda Imbagathi kadib markii ay ku fashilmatay iney nabad iyo amaan ku soo dabaalaan Caasimada isla markaasan ay tanaasulaad la imaan waayeen ayeey bilaabeen iney eedeymo iyo hanjabaado u jeediyaan Guurtida, Haweenka, Ganacsatada, Bulshada Rayidka ah si isaga weeciyaan fashilka ku yimid barnaajim siyaasadeedkooda ku aadan amaanka iyo nabada Caasimada.
User avatar
Gedo_Boy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9918
Joined: Sun Jan 29, 2006 12:49 am

Re: Prof.Geedi Oo Hor-istaagay Safarkii Guurtida Hawiye...

Post by Gedo_Boy »

Geedi the Hawiye dictator Laughing

What's wrong w/ letting Axmad Diriye get political asylum in Denmark. He has high blood pressure after all.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”