BREAKING NEWS clan war start between merehan and gaaljecel

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS clan war start between merehan and gaaljecel

Post by Hiiraan boy »

Dagaalo Dad Ku Dhinteen Oo Laba Beelood Ku Dhexmaraya Miyiga Kismaayo
Jun 03,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Dagaalo goos goos oo u dhexeeya reer guuraa ka soo kala jeeda beelaha Sade iyo Gaaljecel ayaa maalintii labaad ka socda tuulada Beerxaani oo 55 Km galbeed kaga Beegan magaalada Kismaayo. Inta la ogyahay 7 qof ayaa ku dhimatay Dagaalada oo inta badan ka dhacaya dhulka hawdka ah ee Beerxaani halkaas oo ay wada degaan Reer guuraaga labada beelood oo ugu xoog badan beelaha galbeedka kismaayo.

Dagaalada ayaa waxaa lagu waramayaa in ay billawdeen markii maleeshiyo ka soo jeeda Beesha Sade ay aanada nin laga dilay bil ka hor ay sabtidii u dileen labada nin oo gaaljecel ka soo wada jeeda. Warku waxaa uu intaas ku darayaa in Maleeshiyada Beesha Gaaljecel oo ka duulay tuulada Kaamjiroon ay Beerxaani ku dileen laba nin oo ka soo Jeeda Beesha talxe oo falkii hore gaystay halkaasna uu ka qarxay dagala culus.

Nabadoon C/Rashiid Durre oo ka mid ah waxgaradka gaaljecel ayaa ku eedeyay Beesha sade in ay jabisay heshiiis horaantii sanadkaan ay ku gaareen Beerxaani oo la isla gartay in la xakameeyo aanooyinka qabiilka, waxaana uu sheegay in ay xalka baadi goobayaan. Xasan Maxamed Cali afhayeenka dhinaca dhaqanka ee Beesha Sade ayaa sheegay in dagaaladu aysam ahayn kuwo siyaasadeed ayna u dhexeeya xoolo dhaqato dhawaana ay soo afjari doonaan.

GEDO-NN-Kismaayo-News Desk
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”