Ugaarsiga iyo dilalka ka dhanka ah Mas'uuliyiinta DF oo weli

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Ugaarsiga iyo dilalka ka dhanka ah Mas'uuliyiinta DF oo weli

Post by Hiiraan boy »

Ugaarsiga iyo dilalka ka dhanka ah Mas'uuliyiinta DF oo weli ka socda Muqdisho.

June 04, 2007 (HawiyeNews.com) — Waxaa weli socda ugaarsiga iyo dilalka ka dhanka ah mas'uuliyiinta Dowladda KMG ah ee Somalia ay u magacowday Gobollada iyo degmooyinka dalka Somalia .

Guddoomiyiohii Degmada Ceel-Buur ee gobolka Gal-Gaduud oo Dowladda KMG ah ee Somalia ay magacowday Cali Maxamuud Siicow "Cali Waraabe" ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia .

Cali Waraabe oo sidoo kale bare ka ahaa Dugsi sare ayaa xalay nin hubeysan waxa uu ku togtay xaafadda Xararyaale ee degmada Wardhiigley ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Waaa mas'uulkii labaa oo ka tirsan mas'uuliyiinta Dowladda KMG ah ay u magacowday qaar ka mid ah maamulada Gobollada Dalka oo lagu dilo magaalada Muqdisho oo ay socdaal ku yimaadeen.

Horey ayaa isgoyska Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho waxaa loogu dilay guddoomiyihii Maxkamadda Goboilka Hiiraan, ee Dowladda Somalia , kaasi oo sidoo kale isna uu madaxa ka toogtay nin hubeysan.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysay weerarada iyo ugaarsiga ka dhanka mas'uuliyiinta maamulada iyo Gobollada Dalka, laakiin Dowladda KMG ah waxa ay ku eedeysay wax ay ugu yeertay haraadigii Maxkamadaha Islaamka.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”