'NO MORE SOMALILAND ...' Xil. Cali Gebiley,Udub party

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

'NO MORE SOMALILAND ...' Xil. Cali Gebiley,Udub party

Post by Adan_1 »

'NO MORE SOMALILAND ...' Xil. Cali Gebiley, Mudane Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 2 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Hargeysa (Somaliland.org) – Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gebiley) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sameeyey muddaharaaday ku lid ah Somaliland, isaga oo ka cadhaysan laba xubnood oo ka mid ahaa Komishanka cusub ee Doorashooyinka, balse, Golaha Wakiillada ka waayey codkii ansixinta.

Mudane Cali Gebiley oo ka mid ah xubnaha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, balse, isaga laga doortay Hargeysa, ayaa maanta markii uu dhammaaday fadhigii golaha ee codka loogu qaaday xubnaha Komishanka waxa uu ka soo baxay fadhiga golaha isaga oo ku dhawaaqaya "Somaliland ma jirto ... Somaliland way dhammaatay ... No More Somaliland...Ma qabiil keliyaa qaran noqonaya...".

Mudanayaal door ah iyo dadweyne aad u fara badan oo ka soo dareeray golaha ayaa maqlayey Mr. Cali Gebiley markii isaga oo golaha hortiisa ka muddaharaadaya uu ku dhawaaqayey erayadaas iyo kuwo kale, kuwaas oo qaarkoodna ay u qoslayeen, qaar kalena ay la yaabanaayeen, isla markaana suxufi markaa goobta taagnaa ayaa ka duubay erayadaas uu ku dhawaaqayey Cali Gebiley.

Cali Gebiley oo kadib suxufiyiin iyo mudanayaal weydiiyeen inuu yidhi "No More Somaliland..." wuu qirtay, isla markaana wax cudurdaar ah kama bixin, mana muujin inuu ka xun yahay hadalkaas. Balse, waxa uu ku doodayey in sida codqaadistu u dhacday ay muujinayso in la ansixiyey xubno ka soo jeeda beel keliya.

Labada xubnood ee golaha ka waayey codka ansixinta ayaa ka soo kala jeeda Gobolka Awdal iyo Bariga Sanaag.

Madaxweyne Riyaale oo la weydiiyey sida uu u arko natiijada ansixinta Komishanka maanta intii aanu dalka ka dhoofin ayaa isaguna calaamatul su'aal geliyey sababta labadaa xubnood goluhu u reebay.

Xildhibaanno iyo aqoonyahanno badan ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay Cali Gebiley mid uu ku waayi karo xubinnimadiisa Golaha, waxayna ku taliyeen in Shirguddoonku tallaabo ka qaado.

Dadkaasi waxay u arkaan in Cali Gebiley oo ah xildhibaan uu u dhaartay inuu daacad u yahay Somaliland, isla markaana hadalkaas uu fagaaraha kaga dhawaaqay uu burinayo dhaartaas.


C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
Last edited by Adan_1 on Mon Jun 04, 2007 7:47 am, edited 1 time in total.
User avatar
King-of-Awdal
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6111
Joined: Thu May 17, 2007 5:26 am
Location: The Future.

Re: 'NO MORE SOMALILAND ...' Xil. Cali Gebiley, Mudane Ka Tirsan

Post by King-of-Awdal »

English version dee for those of us who dont cant read somali. Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”