Diyaaradaha Dagaalka Ee Mareykanka Oo Puntland U Wareegay...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Diyaaradaha Dagaalka Ee Mareykanka Oo Puntland U Wareegay...

Post by Hiiraan boy »

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in duulaankii dhowaan ay Ciidamada Cirka iyo Badda ee Marykanka ku duqeeyeen degaanka Baar gaal ay ka soo baxayaan warbixino kale oo sheegaya in duqeyntaasi ay socotay muddo laba maalmood ah, kadib waxaana garoon macmil ah oo degaanka ku yaal ka soo degay Ciidamo Mareykan ah kuwaasoo ka qeyb qaatay howlgalkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in 31-05-07 Diyaaradaha & Maraakiibta dagaalka ee Maraykanku duqeeyay kadib markii magaaladaasi lagu arkay koox hubaysan oo ka soo dagtay laash goor aan laga warhayn ku waa soo galay buuralayda, Maamulka magaalada ayaa kooxdan ku wargaliyeen maamulka gobolka Bari iyo Puntland kiyo Koox sirdoonka Mareykanka ah kuwaasoo Ciidamo Mareykan iyo Soomaali isku dhaf ah u diray goobtaasi Waxana la sheegay in dagaal dhexmaray, balse ay kooxdan ay ahaayeen kuwo si fiican hubaysnaa oo hub xoog-badan watay.Waxayna galeen kooxdan meel lagu magacaabo Xoorka, waxayna ugu baaqeen in meesha ay ku jiraan dabadeedna waxaa lagu duqeeyay gantaalo iyo madaafiic, iyadoo wararku ay sheegayaan iney halkaasi dhamaantood ku dhinteen oo godkii ay galeen lagu gubay. Kadibna waxaa la sheegay in maydadkii kooxdani iyo Compiyutero iyo qalab kale ay qaateen Maraykanka oo ay ku rarteen diyaarad, wixii ka dameebaya weerarkaasi waxaa la sheegaya in si weyn looga maqlayey guuxa diyaaradaha ee dalka Mareykanka iyaga oo ku socda jawi hoose taas oo walaac galisay dadka ku nool Boosaaso iyo Puntland.

Diyaaradahan oo laga seexan waayey habeenkii xalay ayaa waxay dadku ku macneeyeen in ay ku wajahan yihiin Baargaal, halkaas oo lagu sheegay in ay ku sugan yihiin koox ajaanid ah waloow aan arinkaas xaqiiqo laga hayn.
User avatar
Ina Baxar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10796
Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
Location: Arabsiyo, Somaliland

Re: Diyaaradaha Dagaalka Ee Mareykanka Oo Puntland U Wareegay...

Post by Ina Baxar »

http://www.garoweonline.com/artman2/pub ... alia.shtml

BTW , about diyaaradaha , it's Uncle Sam way of saying" we're here to protect you "
little do they know that somali usually associate the roar of fighter jets with an upcoming air attack Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”