Haddii dhowrka kun ee post aan qorey dib loogu noqdo, laga heli mayo mid aan qabiil Somaaliyeed ku caayey…Xaaraan weeye…Maybe intey igu goobtaan qaar inaan idhaahdo..Xishoon maysaan etc…But adigu every thread oo aad wax ku qortey waxaa ku jira qabiil aad caayeyso, aad necebtahay, aad leedahay hala xasuuqo etc Ciil baad qabtaa walaal aan ku ekeyn hal qabiil laakiin aad xataa la dhex tegtid tolkaa…Qof cadaawaddu ku fogaatay ayaad tahay…Anigu garan mayo sida aad hurddo u leddid…
Waxa aad iigu furtey threadka waa hal arrin, waxaana weeye: Marxuum Siyaad Barre maxaad u caayi weydey…Maxaadse u amaani weydey Marxuum Caydiid…Taas walaal
Ma yeeli karo waayo:
1...Marxuum dhintey ma caayi karo. Waanse is barbar dhigi karaa isaga iyo mid kale.
2. Marxuum Siyaad dal dhisan ayuu ka tegey.
3.Marxuun Caydiidna intii Siyaad ka tegey ayuu dumiyey…Xaqiiqadu waa taas…Walaal…Ma jecli inaan ruux dhintey soo qaado…Laakiin adigaa igu khasbay…
4. Haddaad II xaqiijin karto in Somalia ka raysatay Marxuum Siyaad waan kugu raaci, laakiin walaal xaladda Somaaliya qofna loo sheegi mayo.
5. Waxaa aad kuugu khalad ah inaad tidhaahdo, oo aad markasta kusoo celceliso, dunuubta laga galay Qarankii Somali la odhan jirey…Waxaa masuul ka ah Marxuum Siyaad..Walaal adiga iyo aniga iyo Somaali inteeda kaleba, qof waliba camalkiisa ayuu leeyahay, isagaana lagula xisaabtamayaa Aaakhiro.
6. Qofkii xaqiiqada ka sheega Regimekii Marxuum Siyaad, waxaad ku edeysaa inuu ka mid ahaa ama aabihii ka mid ahaa…If it will make any difference Family ahaan kama aanan mid ahayn Regimekaas…Laakin runta Ilaahbaa jecel…
7. La imow mid Somali sida u dhaama oo mideeye…bal inaan u qaadi waayo Noolow, hebelow noolow…
Waa iga talo, ee dib isugu noqo oo isa sax..oo Somaalidu waa walaalahaa cid ay kasoo jeedaamba eh iska saar cuqdadda iyo nacaybka..Hana ku kurin caruurtaada cuqdad
Somaaliyeed….
Ugu dambayn haddaad boqol thread ii furto oo kuwana kaa daba jiibiyaan sidii qolyihii ka daba jiibin jirtey Carays Ciise Alla yaa raxmu,Kaambuli uun baan ahay...Moqifkayguna waa mid adag oo ah inaan Somaali ahay, kana dhashay kuna abtirsado, qabiilna uusan qaran noqon karin..Aabbe Siyaadna loo darsaday...
Wa bilaahi Towfiiq

