Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Degmada G/Haarrey Oo Maanta Booqday Shirka Ka Soconayo Tuulada Daableey Ee G/Gedo Maxayse Tahay Ujeedooyinka Shirkaasi?
Jun 05,2007
by Garbahaarey-GEDO-NN
Wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha degmada G/haarrey Mr. Axmed Cabdille Magan ayaa saakay booqday tuulada Daabley oo 34 km koofur-galbeed kaga beegan caasimada gobalka halkaas oo uu shir nabadeed uga socdo mid ka mid ah beelaha SADE ee gobalka Gedo.
Maamulka iyo shacabka tuulada Daableey ayaa si diiran u soo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha, waxana sidoo kale si haboon waftiga u qaabilay ergooyinka ka qayb galayo shirka Daableey oo iyaguna waftiga ku soo dhaweeyay madasha shirka. Garwadeenada shirka ayaa ugu horrayntii waftiga uga warbixiyay ujeedooyinka iyo geedi socodka shirka, waxayna soo bandhigeen waxqabadka ay uga baahanyihiin maamulka degmada G/haarrey ee ku aadan taageerida habsami-usocodka iyo miraha la filayo in ay ka soo baxaan shirka, wuxuna waftigu u riyaaqay hanaanka kulanka Daableey iyo sida hufan ee loo soo dhaweeyay asaga oo ballan qaad adag ku bixiyay meelmarinta iyo suurtagalinta ujeedooyinka wanaagsan ee loo yagleelay shirka nabadeed ee ka soconayo deegaanka Daableey.
Shirka Daableey oo furmay 31/05/07 ayaa waxaa ka qayb galayo 150 ergay oo isaga yimid daafaha gobalka Gedo kuwaas oo ka tirsan mid ka mid ah beelaha SADE. Waxaana ujeedooyinka shirka lagu tilmaamay: turxaan bixin iyo wadatashiyo beesha dhexdeeda ah oo ku aadan xallinta arrimaha dilalka iyo magaha, abuurista jawi nabadeed iyo dariswanaag, hagaajinta hababka dhaqameed ee beesha, baadigoobka midnimada beelaha SADE ee dhinacyada maamulka iyo horumarka iyo abaabulka habkii lagu heli lahaa dawlad gobaleed hufan.
Gudoomiyaha shirka nabadoon Macallin Aadan Cabdi Geeseey ayaa rajo wanaag ka muujiyay geedisocodka shirka, wuxuna nabadoonku ku nuuxnuuxsaday sida ay ergooyinka shirku uga go’antahay xaqiijinta ujeedooyinka shirka isaga oo intaa ku
daray in in natiijooyinka shirka loo gudbin doono ugaaska beesha SADE iyo dhamaan beelaha SADE si loo gaaro iskaashi iyo aragti midaysan.
Ayada oo lagu aadinayo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanka Beerxaani ee aaga Kismaayo ayaa maanta shirka Daableey laga soo saaray baaq loo jeediyay dawlada Soomaaliya, kaas oo ku aadan in ay dawladu u hawlgasho joojinta dagaaladaasi iyo in ay dawladu ka baaqsato in ay taageerto mid ka mid ah beelaha dirirayo. Maxamed Cabdi Kaliil oo ka tirsan saraakiisha G/Gedo oo ah afhayeenka shirka Daableey ayaa isagu caddeeyay in ay ogyihiin qaar ka mid ah madaxda dawlada ugu sarsareyso oo ku lug leh hurinta colaada ka aloosan aagag Kismaayo. wuxuuna sargaalku ka digay in uu cawaaqib xumo la imaan doono haddii aan la joojin dagaalada laga abaabulayo deegaanka Kismaayo.
Si kastaba ha hatee, shirka Daableey oo aan maanta u kuurgalay ayaa ah shir dhaqameed xooga lagu saarayo arrimaha nabada, waxana laga dheegan karay jawi xasiloon iyo rajo wanaag ay muujinayeen ergooyinka shirka oo isugu jiro odayaal xeerbeegti ah, culumaa’udiin iyo aqoonyahano, waxana lagu wadaa in la soo afjaro dabayaaqada asbuucan ayada oo natiijooyinka shirka loo soo bandhigi doono qaybaha kale ee beelaha SADE.
Axmed Maxamed Caafi-GEDO-Gedo News Network, Gedo, Soomaaliya.
Reer Siyaad join Reer Hassan's meeting in Gedo.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
- Sadaam_Mariixmaan
- SomaliNet Super
- Posts: 13484
- Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
- Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
- Contact:
Re: Reer Siyaad join Reer Hassan's meeting in Gedo.
Wanna steal our glory Ninyahow Reer Siyaad




-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 2231 Views
-
Last post by xayraan kale
-
- 27 Replies
- 4914 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 9 Replies
- 1204 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 0 Replies
- 771 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 19 Replies
- 6612 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 7 Replies
- 1145 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 0 Replies
- 735 Views
-
Last post by Notorious13
-
- 3 Replies
- 1612 Views
-
Last post by QansaGabeyle
-
- 7 Replies
- 245 Views
-
Last post by Adali
-
- 0 Replies
- 2822 Views
-
Last post by BuuloXubeey