Wallee nimanki weey qooqeen....
Posted: Wed Jun 06, 2007 9:37 am
Mogadishu 06, June.07 ( Sh.M.Network) Idaacadaha Shabelle, Hornafrik iyo IQK ayaa albaabada loo laabay ka dib markii arinkaan lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday dowladda KMG ah ee Somalia oo uu ku saxiixan yahay wasiirka warfaafinta.
Wareegtada lagu xirey idaacadahaan ayaa waxa ay u qorneyd sidaan.
Ku: - Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho.
Ku: Taliyaha ciidamada booliska Somaliyeed == Muqdisho.
Ku: Taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka== Muqdisho.
Og: Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia.
Ujeedo: Xerid idaacadaha gaar ahaaneed ee ku xadgudbay nidaamka warbaahinta xorta ah ee ka furan magaalada Muqdisho.
Tixraac warqadaan sumadeedu tahay XRW/906/07 ee June-4-2007 kana soo baxday xafiiska ra'isulwasaaraha waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Mas'uuliyiinta ay warqadaan sida tooska ah ugu socoto in raadiyeyaashooda kala ah Horn-Afrik, Shabelle iyo idaacadda Qur'aanka kariimka ay ku sifoobeen colaad abuuris, Taageero argagixiso, ku xadgudub nidaamka xorta ah, wareerinta shacabka iyo dowlad diidnimo.
Sidaasi darteed waxaa la idinka doonayaa in aad qaadataan talaabooyinka deg dega ah ee lagu xiraayo dhamaan idaacadaha kor ku xusan, milkilayaashana lagula xisaabtamo xadgudubyada kor ku tilmaaman.
Waxaan idinka rajeynayaa in aad arintaan si deg deg ah u fulisaan.
Howl-wacan.
Wareegtadaan waxaa ku saxiixnaa:-
Wasiirka warfaaafinta dowladda KMG ah
Madoobe Nuunoow Max'ed
Wareegtadaan ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay Taliyaha ciidamada booliska Somalia Gen. Cabdi Qeybdiid oo faahfaahin ka bixiyay, waxaana ay ku soo beegmeysaa xilli maanta ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia ay howl-gallo baaritaano ah ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.