XORRIYO oo laga furay magaalada Gaalkacyo ee GalMudug State
Posted: Wed Jun 06, 2007 1:41 pm
Machad sare oo Waxbarasho oo lagu magacaabo XORRIYO oo laga furay magaalada Gaalkacyo ee GalMudug State.
--------------------------------------------------------------------------------

MudugNet, Galkacyo, June 6, 2007
Galabnimadii Jimcaha ee June ay ahayd 1-da, 2007. ayaa xarunta Dugsiga Sare ee Mudug ee magaalada Gaalkacyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug waxaa lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay Machad Sare oo waxbarasho oo lagu magacaabo XORRIYO.
Machadka Waxbarashada sare ee XORRIYO, oo ay hir-galisay Dawlad-goboleedka GalMudug, ayaa xafladdii lagu furayay waxaa ka soo qayb-galay iyo boqollaal Dadweynaha reer GalMudug ah, Mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan Dawlad-goboleedka GalMudug iyo xubno kale oo magacweyn ku dhex leh bulsho-weynta oo ay ka mid ahaayeen Dhakhaatiir, Culummaa'u-Diin, Aqoon-yahanno kale, Kalkaaliyayaal, Waaliddiin, Haween, Ganacsato, Dhallinyaro iyo dhammaan qaybaha Bulshada GalMudug. waxaana xusid mudan Bahda Waxbarashada oo ay si gaar ah uga dhex-muuqdeen Macalliinta iyo ardada Dugsiga Sare ee Mudug iyo Dugsiyada H/Dhexe ee C/LAAHI CIIISE, CEEL-GUULA iyo Al-BEDER, oo ka tirsan Dugsiyada ugu caansan ee ka jira Dawlad-goboleedka GalMudug.
Intii ay socotay Xafladda Furitaanka Machadka Waxbarashada ee XORROYO, oo ahayd muddo 2 saac ah, Tobonnaan Kun oo dadweynaha Reer Gaalkacyo ah ayaa Qudbadaha, Sacabka iyo Mishxadda xafladda waxay si toos ah uga dhagaysanayeen Idaacadda Codka Mudug oo u sahashay dadweynihii aan joogin xafladda inay ka dhacaysay dhammaan xaafadaha iyo suuqyada kala duwan ee magaalada Gaalkacyo. waxayna taasi suura-galisay in farriinta waxbarashada ee xafladdu ay gaarto Gaackacyo oo dhan.
Xafladdan, oo ahayd mid taariikhi ah, uuna xiriiriye ka ahaa Maammulaha Idaacadda Codka Mudug mudane Cilmi Kulan Geeddi, oo ka mid ahaan jiray Wariyayashii hore ee Radio Muqdisho Xilligii Dawladdi Hore ee Soomaaliya, ayaa waxaa laga soo jeediyay qudbado kala duwan oo aad u nuxur badnaa. waxaase Aayado Qur'aan ah ku furay C/Raxmaan Xasan Cosoble, oo ka mid ah macallimiinta wax ka dhigta Dugsiga Sare ee Mudug. Waxaana ku xigsaday oo Wacdi Diini ah oo aad loola qushuucay ka soo jeediyay Sh. Muxyaddiin Sh. Yuusuf Barre. wuxuuna ahaa dulucda wacdiga Sheekhu in ALLE laga cabsado. iyo sida waxbarashadu ay lagama-maarmaanka ugu tahay Banii'Aadamka, gaar ahaan Muslimiinta. wuxuuna Sh, Muxyaddiin carrabka ku adkeeyay in ALLE SWT aqoon looga cabsado. qofkuna hadduusan baran, gaar ahaan, aqoonta Diinta Islaamka, ay dhib ku noqonayso siduu ALLE uga cabsan lahaa.
Intaas ka dib, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawlad-goboleedka mudane G/Sare Muxyaddin Macallin Cali ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Machadka sare ee Waxbarashada ee XORRIYO. wuxuuna Wasiirka Arrimaha Guduhu ku dhawaaqay in saacaddaas laga billaabo uu furanyahay Machadka XORRIYO. waxaana halmar ka-gees iyo ka-gees sacbiyay dadweynhii xafladda joogay. iyadoo haweenka GalMudug, oo si weyn xafladda uga soo xaadirayna, ay mishxarad ku dhufteen. waxaana heerkii ugu sarreeyay gaaray rayn-raynta iyo farxadda jawiga xafladda.
Waxaana billawday qudbadihii loogu talo-galay Munaasabadda Xafladda Furitaanka Machadka Waxbarashada ee XORRIYO. waxaana ugu horraynba makarofoonka lagu soo dhaweeyay Madaxa Machadka XORRIYO mudane Mursal Xaashi Shirwac, ahna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Dawlad-goboleedka GalMudug. wuxuuna mudane Mursal sharraxaad ka bixiyay ujeeddada loo aas-aasay Machadku inay tahay , sare-u-qaaddidda Aqoonta bulshada GalMudug, dabooliydda baahida aqooneed ee bulshada, soo-saaridda xirfad-yaqaanno sare iyo diirri-galinta dhallinyarada ka soo baxda Dugsiyada Sare. wuxuuna intaas ku daray in Machadku uu ka koobanaan doono saddex qaybood oo kala ah,
1- Qaybta Nurses-ka.
2- Qaybta Maammulka iyo Maareynta. iyo
3- Qaybta Caafimaadka Xoolaha ( Veterinary ).
Maammulaha Machadka XORRIYO mudane Mursal Xaashi Shirwac ayaa sheegay in Saddexdaas Qaybood ee uu Machadku ka koobnaan doono Labo qaybood oo ka mid ah uun ay hadda diyaar tahay. waxayna 2-aas qaybood ee Machadka ka mid ah ee Waxbarashadoodu ay diyaarka tahay ay kala yihiin qaybta Nurses-ka, oo in mudda ahba shaqaynaysay iyo qaybta Maammulka iyo Maareynta oo iyana hadda la billaabay. wuxuusa sheegay in qaybta 3-aad ee Waxbarashada Machadka, oo ah qaybta Caafimaadka Xoolaha (Veterinary), aysan hadda diyaar ahayn. balse haddii ALLE idmo la billaabi doono.
Wasiirka Warfaafinta Dawlad-goboleedka GalMudug mudane C/Qaadir Cali Jaamac ( Qalab-xoor ), oo ka mid ah aas-aasayaashii Machadkan, oo isna xafladdaas ka hadlay, ayaa yiri " waxaa shacabka GalMudug nasiib-wanaagsan u ah in, iyadoo horay loo furay Dugsiga Sare ee Mudug, Maantana lagu guulaystay furitaanka Machadka XORROYO". mudane Qalab-xoor ayaa ku boorriyay shacabka GalMudug inay midnimadooda xoojiyaan. ayna ku dadaalaan isku-duubnida iyo is-gaashiga. islamarkaana ay u soo jeestaan Waxbarashada.
Maammulaha Dugsiga H/Dhexe ee degmada Ceel-guula ee gobolka Hobyo mudane Max'ed Xaaji Ereg, oo ah Macallin Caan ah oo aad loo qaddiriyo, kana mid ahaa dadkii horseedka ka ahaa dib-u-soo-noolaynta waxbarashada deegaannada GalMudug, ayaa xafladdaas ka soo jeediyay qudbad kooban oo qiimo badan. mudane Macallim Max'ed Xaaji Ereg ayaa firitaanka Machadka XORRIYO waxa uu ku tilmaamay horumar taariikhi ah oo u soo hoyday shacabka GalMudug. wuxuuna ku guubaabiyay bulshadu inay ka faa'iidaystaan fursadaha Waxbarashada ee ay haystaan.
Wasiirka Lacagta ee Dawlad-goboleedka GalMudug Dr. Siciid Xasan Cosoble, oo ah maammulaha Dugsiga Sare ee Mudug iyo waliba maammulaha Dugsiga Sare ee Gen. Caydiid oo ku yaalla magaalada Muqdisho, madaxna ka ah qaybta Maammulka iyo Maareynta ee Machadka XORRIYO, ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyay taariikhda iyo wax-tarka Maammulka iyo Maareynta ee Adduunka. wuxuuna intaas ku daray in Maammulka iyo Maareyntu ay leedahay Takhasusaad kala duwan. kuwaas oo kala ah Business Administration and Accounting. Dr. Siciid Xasan Cosoble, oo ah nin wax badan ku soo kordhiyay horumarka xagga Waxbarashada ee Dawlad-goboleedka GalMudug muddadii yarayd ee uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in hir-galinta Machadka XORRIYO uu tusaale u yahay horumarka weyn ee shacabka GalMudug u billawday. wuxuuna mudane Cosoble ku war-galiyay dadweynaha inay billaabatay is-diiwaan-galinta ardada cusub ee Machadka XORRIYO qaybaha kala ah Maammulka iyo Maareynta, Nurses-ka iyo Dugsiga Sare ee Mudug, oo isna hoos-yimaadda Machadka XORRIYO.
Mudane Ganacsade Abshir Diini Cawaale, oo ka mid ah aas-aasayaasha Machadka XORRIYO, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa yiri " Waxbarashada Dugsiyada Hoose iyo kuwa Sare waa aas-aaskii Horumarka. Masuuliyadda horumarka deegaanku waa machadyada. Jaamacaduhuna waa waa heer Caalami". mudane Abshir Diini ayaa qiray in maammulku uusan shaqayn karin haddii aysan ganacsatadu taageerin. wuxuuna ugu baaqay ganacsatadu inay maammulka canshuurta siiyaan. wuxuu kaloo ugu baaqay ganacsatada inay midoobaan ayna warshado yaryar sameeyaan, si dadku uu shaqo u helo.
Madaxa Dhakhaatiirta Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo Dr. Max,ed C/Kariim Nuur (Dr. Max'ed Amiin), oo isna ka mid ah aas-aasayaasha Machadka XORRIYO, oo qudbad ka-qayb-galayaashii xafladda qiiro galisay halkaas ka jeediyay, ayaa ku dheeraaday sida horumarka iyo aqoontu ay iskugu xiran yihiin. wuxuuna yiri " shacabka GalMudug xagga Waxbarashada aad bay uga liitaan. taasaana keentay dib-u-dhaca dhinacyada badan leh ee dadkeenna haysta. muddo dheer wax-barasho rasmi ah kama jirin degmooyinka kala duwan ee GalMudug, marka laga reebo degmada Ceel-guula oo iyada ay si fiican uga hir-gashay waxbarashada aas-aasiga. taasna waxaa ku ammaanan reer Ceel-guula iyo gaar ahaan Macallin Ereg iyo intii kale ee kala qayb-qaadatay. waxaa jirta degmooyin iyo tuulooyin kale oo Dugsiyo waxbarasho oo la rabay in laga sameeyo dhagax tuuryaa lagala hor-yimid!. waxaana la yiri "ISKUULLADU WAA IS-QOOL"!. taasina waxay ka mid tahay dhibaatooyinka jahligu uu sababay ee bulshadeenna dib-u-dhaca u keenay"!. Dr. Max'ed C/Kariin Nuur ( Dr. Max'ed Amiin) ayaa ugu dambayntii xusay in Waxbarashadu aysan lahayn da'weynaan iyo da'yaraan iyo sidoo kale rag iyo dumar. balse loo baanahyahay in lagu wada baraarugo. ugu dambayntii, Dhakhtarku wuxuu kula dardaarmay waaliddiinta inay ubadkooda geeyaan dugsiyada Waxbarashada.
Sidoo kale waxaa xalfladdaas qudbado kooban ka soo kala jeediyay Madaxa qaybta Nurses-ka ee Machadka XORRIYO Kalkaaliye Sare Ibraahim Macallin iyo Kalkaaliso sare Ardo Aadan Max'uud, oo ah gabar ummuliso ah waxna ka dhigta qaybta Nurses-ka ee Machadka XORRIYO. waxayna labadaas Kalkaaliye ay hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go'antahay inay bulshadooda uga faa'iideeyaan aqoontii ay soo barteen.
Duqa magaalada Gaalkacyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug Eng. Siciid Salaad Cilmi ( Siciid Bulbul ), oo isna hadal ka soo jeediyay xafladda, ayaa sheegay in 41 sano ka hore uu ka baxay Dugsi Hoose dhexe ee Bardacad ee magaalada Gaalkacyo. markaasna uu ka tagay Gobolka Mudug. muddadaas dheer uu ka maqnaa gobolka. uuna ku farasanyahay in isagoo heer Jaamacadeed ah inuu soo laabto meeshii uu ku dhashay si uu dadkiisa wax ugu qabto. mudane Siciid Bulbul ayaa sheegay in dadka reer GalMudug ay gabeen aqoonyahannadoodii uu asaguba ka mid yahay. wuxuuse ALLE mahaddiis ku tilmaamay in qaar ka mid ah aqoonyahannadii ah ay haatan u soo guryo-noqdeen GalMudug. duqa magaalada Gaalkacyo ee GalMudug ayaa dhallinyarada ugu baaqay inay ka waantoobaan waxyaabaha xumaantaa, sida isbaarada, dilka, dhaca iyo muqaadaraadka. isla markaana ay wax bartaan. si ay u anfacaan naftooda, dalkooda iyo dalkoodaba.
Dhoobe Cilmi Dige
Ex- Mooryaan
Dhoombe Cimi Dige, oo ka mid muddo dheer ahaa nin maleeshiyo ah balse haatan ALLE soo hanuuniyay oo ka mid ah ardada wax ka barata Dugsiga sare ee Mudug, oo isna lagu soo dhaweeyay makarafoonka, ayaa madasha ka soo jeediyay khudbad u xiiso badnayd oo ay aad ula qosleen masuuliyiintii iyo dadweynihii xafladda joogay. mudane Dhoombe ayaa si geesinnimo leh waxa uu uga sheekeeyay fool-xumada iyo dhibaatada noloshii mooryaannimada ee EEBBE ka saaray. wuxuuna sheegay inay dadka u gaysan jireen dil, dhac, isbaaro iyo waxyaabo kale oo aan afka la soo marin karin. wuxuuse sheegay inuu ka toobad-keenay mooryaannimadii haddana uu ka qoomamaynayo!. wuxuuna dadweynaha ka codsaday inay ka cafiyaan dambiyadii ay ka galeen intii uu qoriga sitay!. mudane Dhoombe Cilmi Dige, oo is-barar-dhigayay noloshiisii hore ee jabhadnimada iyo nolosha cusub ee haatan uu ku jiro oo Waxbarashada iyo cibaadada ALLE ay ka mid yihiin, ayaa caddeeyay farqiga u dhexeeya Labadaas xaalad-nololeed ee uu soo maray inay kala yihiin halaag iyo badbaado. wuxuuna ALLE uga shukriyay inuu xaqa tusay. wuxuuna Dhoombe ugu yeeray mooryaantii ay saaxiibbada hore ahaayeen, oo uu ku soo celceliyay inay yihiin ......, inay is-dabo-qabtaan. ayna ka soo laabtaan baadinnimada ay ku lumeen!.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawlad-goboleedka GalMudug Mudane G/Sare Muxyaddiin Macallin Cali, oo qudbad dheer gabagabadii xafladdaas ka soo jeediyay, ayaa waxa uu faahfaahiyay ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay Aadamaha. iyo in aqoontu ay tahay nuur jahliguna uu yahay mugdi. wuxuuna ku nuuxnuuxsaday Wasiirku in ummadi aysan horumar gaari karin Labo arrimood la'aantood. "maamul iyo waxbarasho"!. "ujeeddooyinkii loo dhisay Dawlad-goboleedka GalMudug ayaa waxaa ka mid ahaa in la horumariyo korna loo qaado Waxbarashada bulshada GalMudug. sidaad ogtihiinba, Dugsigan Sare ee Mudug waxaa hir-galiyay Maammulka GalMudug. sidoo kale, Machadkan XORRIYO ee aan maanta furnay wuxuu ka mid yahay wax-qabadka Maammulka Dawlad-goboleedka GalMudug. Mustaqbalka dhawna waxaan furi doonnaa Jaamacad, haddii ALLE idmo". ayuu yiri mudane Muxyaddiin Macallin Cali, oo dhaliil u soo jeediyay ganacsatada GalMudug. wuxuuna ugu baaqay bulshada GalMudug inay taageeraan maammulka. wuxuuna intaas sii raaciyay "Maammulka GalMudug qof iska leh. shakhsiyaadna iskama lahan e maammulka dadkaa iska leh.... maammulka GalMudug waxaa iska leh dadka Mudug iyo Gal-gaduud. waxaan ugu baaqaynnaa dadka reer Gal-gaduud in maammulka Dawlad-goboleedka GalMudug ay qaybtooda ka qaataan".
Mudane Muxyaddiin Macallin Cali, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawlad-goboleedka GalMudug ayaa sheegay in dadka wax-bi'iska ah ee isbaarooyinka dhiganaya aysan geed ka soo bixin laakiin ay dad dhaleen. wuxuuna intaas ku daray in dadkii dhalay mooryaanta isbaarada dhiganaysa ay waajib ku tahay inay wax u sheegaan wiilashooda. ayna keenaan goobaha waxbarashada. si ay uga baxaan Aakhiro iyo Adduun-seegga ay ku jiraan. haddii kale dambigooda iyo ciqaabtiisaba ay wax ku yeelayaan!.
Mudugnet.com
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya