Koob Kubadeed Oo la Qorshaynayo in Loo Qabto Qurbo Jooga....

Soomaalida waddankan ku dhaqan

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods, uk mods

User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Koob Kubadeed Oo la Qorshaynayo in Loo Qabto Qurbo Jooga....

Post by Adan_1 »

Koob Kubadeed Oo la Qorshaynayo in Loo Qabto Qurbo Jooga Ku Noqonaya Somaliland iyo Dhalinta S/land


Sanadka ayaa waxaa la qorshaynayaa in ay qabsoonto Football Tournament ( Koob Kubada Cagta ah) oo lagu soo dhawaynayo dhalinta ka soo guryo noqota qurbaha, sidoo kale laysku dhexgelinayo dhalinta dalka joogta iyo kuwa soo guryo noqday. Si dhaqanka, is dhexgalka shabaabka qurbaha ka yimi, kuwa dalka jooga iyo kuwa fasaxa dheer ku joogayaba ay u noqoto mid sahlan oo aanay dareemayn qariibnimo kuwa soo guryo noqday ,kuwa joogayna sumcada dalkooda, dadkooda iyo ummada Somaliland intaba ay u tusaan in dalka lagu soo noqonayo ayaa hawsha ciyaarahan loo soo jeediyey.

Weli hawsha oo ay ku hawlan yihiin dhalinyaro reer Somaliland ah, waxaa lagu jiraa bilowgeedii, waxaana aanu jeclaan lahayn dadweynaha reer Somaliland in ciddii sanadkan 2007 gaynaysa ubadkooda, ciyaalkooda iyo dhalinta ay ka masuulka in ay nala soo xidhiidhaan.

Waxaanu si gaar ah mashruucan uga fulinaynaa gobolka Togdheer, waxaanu xidhiidh la samaynay masuuliyiin badan oo hawsha sport ku shaqo leh.

Fadlan wixii talo ah, wixii soo jeein ah, wixii macluumaad ah iyo haddaad magacaaga u soo gudbinayso xubnaha maamulka.

Fadlan magacaaga soo gudbi, cimrigaaga ama ka dhalinta aad soo gudbinayso magacyadooda, ciyaarta kubada in uu jecel yahay iyo in kale. Haddii uu team ka mid noqon, magaca uu jeclaan lahaa in teamkaas loo bixiyo.

Magacyadan hoose iyo cinwaanadan hoose u soo gudbi.

Muled Jama ( Cabdiraaq): Wadani28@hotmail.com
NICHOLAS POSTLETHWAITE : npostlethwaite@blueyonder.co.uk
Xasan Yaasiin Warsame: mataan84@hotmail.com
Freda Witter : fredawitter@ukonline.co.uk
Saeed Ibrahim ( Axmed): kayse_cali_80@hotmail.com

Fadlan u soo gudbi
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Europe - UK”