

Dhacdadii ugu xumeyd oo shalay ka dhacay masjidka Al-Hidaaya ee Muqdisho.
Posted to the Web Jun 06, 05:52
Aayaha.com, Arboco,7-da, June, 2007- Ciidamada Itoobiya ayaa maalintii shalay galinii dambe galay gudaha masjidka weyn ee Al-hidaaya,waxeyna halkaasi ka qafasheen 1000-caruur ah oo aad u yar-yar kuwaas oo dhiganayey dugsi halkaasi ku yaala iyo culumaa’udiin ku cibaadeysanayey masjidka oo iyana gaaraya boqolaal.
Ciidama Itoobiya ayaa caruurtaan ay kexeysteen waxaa ay da’doodu u dheeysay 13-jir ilaa 6-sano jir kuwaas oo wararka la helayo ay sheegayaan in lagu xiray 50-kiiba hal qol oo 4-mitir ah .
Amarkaan lagu soo xiray caruurtaan ayaa waxaa bixiyey dagaal ooge Maxamed dheere waxaase fulinayey ciidamo itoobiyaan ah iyadoo sababta loo xiray caruurtaasi u si xisho la’aan ah idaacadaha uga sheegay in la barayey caruurtaasi sida la isku qarxiyo.
Dadka deggan magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga xumaaday arrinkaasi,waxa ayna ku tilmaameen arrinkaasi mid nuxurkiisu yahay la dagaalanka islaamka iyo ka dheeraashada barashada diinta islaamka.
Dhinaca kalena ciidamada Itoobiya ayaa masjidkaasi ka kexeystay culumaa’udiin tabliiq ah kuwaas oo badankood ka yimid gobolada dalka.
Waxaa sidoo kale ay ciidamada Itoobiya boobeen gaadiid ay lahaayeen culumaa’udiinka tabliiqa kuwaas oo ay ugu safri jireen gobolada dalka mararka ay doonayaan in ay diinta ku faafiyaan gobolada dalka iyo waliba daafaha caalamka.
Maalmahaan waxaa magaalada Muqdisho ka socday falal ka dhan ah dadka islaamka ah,waxaana jira in ciidamada Itoobiyaiyo kuwa maleeshiyda Imbagathi ay kexeystaan qof kasta oo ay ka muuqato sunada islaamka waxaana jira dad badan oo arinkaasi dartiis loo xirxiray.
Qaraxyada qaar ee inta badan ka dhaca magaalada ayaa waxaa ka dambeeya ciidamada cadowga itoobiya kuwaas oo doonaya in ay wadanka haystaan si aaney ciidamo kale oo ka socda dalalka afrika u soo gelin soomaaliya.