War degdeg: Hawiye Chief Elder Freed
Posted: Thu Jun 07, 2007 12:05 pm
Thanks to Jeyandi Frazer who called the TFG and warned them about touching the Hawiye Chief Elder !
Guddoomiyihii guurtida Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan oo 24 saac ka dib xoriyadiisii dib u helay
Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo ahaa guddoomiyihii golaha guurtida ee beelaha Hawiye ayaa la sii daayey maanta ka dib markii maalintii shalay ay xabsiga u taxaabeen ciidamo ka tirsam dowladda federaalka Soomaaliya isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaala degmada kaaraan ee magalada Muqdisho.
Xaajiga oo markii la sii daayey u waramayey saxaafada ayaa sheegay in sababta loo xiray isaga uu aaminsan yahay inay tahay oo kaliya dowladda federaalka oo ka soo hor jeeda xoriyatul qowlka, wuxuuna tilmaamay in mudadii 24-ka saac aheyd ee uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay.
Sii deynta guddoomiyihii golaha guurtida beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa ku soo beegantay xilli ay sii xoogeysanayaan howlgalada ay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka wadaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya, isla markaana kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibeda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Jendayi Frezar ay sheegtay in xariga xaajiga ay Qatar gelineyso hanaanka geedi socodka Soomaaliya.