Khilaaf soo kala kala dhexgalay maamulka gobolka Hiiraan

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Khilaaf soo kala kala dhexgalay maamulka gobolka Hiiraan

Post by Hiiraan boy »

Khilaaf soo kala kala dhexgalay xubnaha ugu sareeya maamulka gobolka Hiiraan oo dibeda u soo baxay, ka dib markii guddoomiye ku-xigeenka gobolkaasi uu..

Waxaa mar kaliya dibeda u soo baxay khilaaf aad u xoog badan oo soo kala dhegalay xubnaha ugu sareeya ee maamulka Hiiraan, kaasoo in muddo ahba soo jiitamayey, iyadoo khilaafkaasina uu haatan gaaray heer saxaafada la isu mariyo eedeeymo iyo canaan la isu jeediyo.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Xuseen Cumar Gacamey ayaa markii ugu horeysay warbaahinta ka sheegay eedeeyn kulul oo uu ujeedinayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Xuseen AYAX, wuxuuna sheegay guddoomiye ku-xigeenku in Mr Ayax uu ku guuldareystay intii uu hayey xilka guddoomiyenimo ee maamulka gobolkaasi inuu ku guul dareystay wax u qabashada dadka gobolkaasi ku dhaqan.

“Waa nin 24-ka saac ku dhameysta mar uu baashaalo oo fadhi ku dirirada iska fadhiya iyo mar uu qayilaad u fadhiyo oo aan wax dan ahba ka gelin xaaladaha ay ku nool yihiin iyo bulshada uu hogaamiyo iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka gobolka ka jira” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka gobolka Hiiraan Xuseen Cumar Gacamay oo ugu baaqey dowladda federaalka Soomaaliya iney wax ka qabato howl gudasho la’aanta guddoomiyaha gobolka.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan khilaafka kala dhexeeya isaga iyo qaar ka mid ah ku-xigeenadiisa ee ku Aadan dhinaca maamulka, wuxuuna soo shaac bixida khilaafkaasi ku soo beegmay xilli maalintii shalay ay mnagaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ay gaareen xubno ka tirsan guddiga qabanqaabnada shirka dib u heshiisiinta Qaran ee dhowaan lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”