Page 1 of 1

Is rasaasayn xoogan oo kadhacday bariga magaalada Hargaysa

Posted: Sun Jun 10, 2007 8:29 am
by Enemy_Of_Mad_Mullah
Is rasaasayn xoogan oo kadhacday bariga magaalada Hargaysa


Is rasaasayn xoogan ayaa shalay ka dhacday goob ku taala bariga caasimada Somaliland ee magaalada Hargaysa, taasi oo ka dhalatay dhul aad u balaadhan oo ay lahaayeen dad shicib ahi oo ay madaxda gobolka Hargaysi ay siiyeen wasiirka waxbarashada ee Somalia Ismaciil Hure Buubaa, dhulkan oo dhaca dhanka bari ee magaalada ayaa ku sii jeeda sii foorarka buuraha caanka ah ee naaso hablood.

Wariye goobtaasi boqday ayaa waxa uu soo arkay dadkii dhulka lahaa oo halkaasi la taagnaa waraaqihii sharciyaynta dhulkooda oo ah kuwii ay dawlada hoose iyo maamulka gobolkuba ku saxeexanyihiin isla markaasna ay ku shanbadaysanyihiin, waxa uu wariyuhu soo arkay dhisme laga bilaabay xagaasi oo ay bilaabeen wakiilada Ismaciil Hure Buubaa iyaga oo kaashanaaya ciidamo Boolis ah oo xoogan, kadibana markii ay ka dareereen habayn hore goobtaasi lagu baabiiyay oo dhulka lagu simay.

Xiligani ayaa ciidamada boolisku waxa ay goobtaasi ku daadgureeyeen ciidamo aad u hubaysan oo xoogan xaga dadka shicibka ah ee dhulkani laga qaaday ay iyana isi soo abaabuleen isla markaasna ay haystaan qoryo farobadan, taasi oo xiligani dusha la iska eeganaayo oo ay dhici karto in xabdu bilaabanto hadii dhismaha goobtaasi dib loo bilaabo.

Ismaciil Buubaa walaalkii oo ka masuul ah dhismahani socda ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu arintani ka hadlo,hase ahaatee waxa uu sheegay in uu dhismahani isagu leeyahay dhulkana uu sharci u haysto, ilo kale ayaa noo sheegay in dhulkani oo laga dhisi rabo Hotel weyn oo ka balaadhan Hote-lada Ambasadoor, Mansuur iyo Xamdi Surprised ay dhulkaasi siiyeen qoyskan dhisanaaya Maayarka iyo Badhisaabka gobolka Hargaysa, isla xiligana ay ugu deeqeen ciidamo xoogan oo ay amar ku siiyeen in ay goobtaasi dufaacaan hadii la soo weeraro.

Dhanaka kalena sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ahi dadweynihii kala gadisnaa ee lahaa dhulkani muranku ka taagnyahay ayaa waxa ay maanta kulan la lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo isagu arintaasi aad moodo in uu soo kala dhexgalay labadan garab ee isku haya goobtaasi, lamana garankaro wax ka soo bixi doona kulankaasi.

Sida ay doontaba ha ahaatee hadii aan arintaasi si deg deg ah wax looga qaban waxa ay keeni kartaa khasaarebalaadhan oo aan laga soo waaqsan oo hadhow la isku canaanto.

Sideedaba arimaha dhulka ayaa wali dhaliya murano iyo iska hor imaadyo sababa dhaawac iyo dhimasho farobadan sanadkastaba dhamaanba gobolada dalka, arintaasi oo ay ahayd in Barlamaanku uu u sameeyo shuruuc xoogan oo lagu soo afjaro khilaafyada ka dhasha muranka dhulka, hase ahaatee way ku guuldaraysteen in ay wax sharci ah u sameeyaan iyaga oo had iyo goor ku foogan samaynta shuruucda ku jiqsiida ah.

Re: Is rasaasayn xoogan oo kadhacday bariga magaalada Hargaysa

Posted: Sun Jun 10, 2007 8:31 am
by COSTA
Buuba is faqash no land for him Laughing Laughing Laughing

Give qamandi to all Isaaqs the war will stop Laughing

Re: Is rasaasayn xoogan oo kadhacday bariga magaalada Hargaysa

Posted: Sun Jun 10, 2007 9:02 am
by Executive
Shocked Didn't know Buuba had that much respect in Hargeisa considering he is a TFG minister.

Re: Is rasaasayn xoogan oo kadhacday bariga magaalada Hargaysa

Posted: Sun Jun 10, 2007 9:07 am
by LiQaaye_TDH
who is this between? what clans?

Re: Is rasaasayn xoogan oo kadhacday bariga magaalada Hargaysa

Posted: Sun Jun 10, 2007 9:32 am
by The_Emperior5
liqaaye adigy majnuun baad tahay its locals versus police not tribes the 2 tribes in hargeysa live peaceful next each other the other thing is its all about buuba getting some land thats all

Re: Is rasaasayn xoogan oo kadhacday bariga magaalada Hargaysa

Posted: Sun Jun 10, 2007 10:41 am
by LiQaaye_TDH
Adigana Ayeyda iyo Dasaadedi iya Majnuuna.....

Re: Is rasaasayn xoogan oo kadhacday bariga magaalada Hargaysa

Posted: Sun Jun 10, 2007 10:43 am
by The_Emperior5
real ilka cas ayaaday maxaad wax uuga sheegaysa anigu ma ayeeyda baan wax ka sheegay Laughing Laughing

its all cool

Re: Is rasaasayn xoogan oo kadhacday bariga magaalada Hargaysa

Posted: Sun Jun 10, 2007 10:46 am
by Sadaam_Mariixmaan
Ismaaciil Buuba is the man Cool