Four people killed, Curfew in Beledwayn by Geedi's Tigre Gua
Posted: Sun Jun 10, 2007 10:43 am
Magaalada B/weyn ayaa la sheegayaa in ay yimaadeen ciidamo farabadan oo Itoobiyaan ah isla markaana ilaalinaya amaanka Cali Maxamed Geedi.
Tan iyo markii uu Cali Maxamed Geedi yimid maanta Magaalada B/weyne waxa ay ciidamada gumeysiga Itoobiya iridaha u laabeen goobihii ganacsiga iyaga oo gabi ahaanba ku soo rogay bandow qeybta bari ee uu Cali Geedi kaga sugan yahay Magaalada B/weyne, sidoo kale ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay dileen intii uu Cali Geedi yimid 4-qof oo saddex kamid ah lagu dilay janta
midka afaraadna uu ahaa nin gaari dameera ah oo wadada marayay, lamana garanayo ilaa iyo hadda sababta ay dadkaasi u dileen ciidamada gumeysiga Itoobiya.iyada oo ay ka wadaan Magaalada jirdil fara badan oo ay kula kacayaan dadka dhaq dhaqaaq ka sameynaya Magaalada B/weyne gaar ahaan qeybta uu Geedi ka jooga Magaalada.
Dhinaca kale wali waxa garoonka B/weyne taagan oo si weyn amaankeeda loo ilaalinyaa diyaaradii uu la socday Cali Maxamed Geedi oo la sheegayo in uu galabnimadan si dag dag ah uu ugu dhawaaqi doono maamul cusub oo badala kii horay ay usoo magacowday Dowlada federalka KMG ah islamarkaana uu dib ugu soo laabanayo Magaalada Muqdisho.
Ma jirto ilaa iyo hadda goob fagaara ah oo uu Cali Geedi kula hadlay shacabka reer B/weyne ee gobolka hiiraan.
Waxaa si cad u muuqata in xiriirka ay Itoobiya la leedahay gobolka hiiraan uu ka badan yahay kan ay Muqdisho la leedahay,taas oo ah in ay indhaha soomaaliyeed si gaar ah ugu fiiriyaan gaar ahaan dadka deegaanka.
Maamuladan noocan ah ee la filayo in uu Geedi ku dhawaaqo ayaa wax-qabadkoodu yahay mid aan saa u sii buurnayn iyada oo inta badan loo dhiso oo kaliya awood qeybsi.
Si kastaba ha ahaatee waxa baryahanba si cad u soo muuqanayay khilaafka u dhaxeeya maamulada ay Dowlada u magacowdo gobolada ay qabsatay tan iyo markii ay ciidamada gumeysiga Itoobiya xooga ku qabsadeen qeybo ka mid ah soomaaliya.
waxaa
www.Beerdhiga.com