27 people to Mandheera prison......

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

27 people to Mandheera prison......

Post by LiQaaye_TDH »

27 Qof oo ka mid ahaa dadkii ku lugta lahaa israsaasayntii ka dhacday bariga Hargaysa oo loo taxaabay Xabsiga Madheera


27 qof ayaa maanta xabsiga loo taxaabay, iyada oo qaarkood isla maantaba loo dhaadhaciyay xabsiga Madheera dadkani ayaa waxa ay ka mid ahaayeen dad ay dawlada hoose iyo maamulka gobolka Hargaysi ay ka xoogeen dhulkoodii u sharciyaysnaa isla markaasna u sharciyeeyeen nin kale, oo ay ka qaateen lacag xoogan waa sida ay sheegayaan dadkan dhulkooda laga qaadaye, taasi oo qaylo iyo muran xooglehba ka dhalisay bariga magaalada Hargaysa ayaamahii la soo dhaafay.

Dadkan la xidh xidhay ayaa xadhigooda waxa ogolaaday oo hirgaliyay gudiga nabadgalyda ee gobolka, taasi oo lagu sababeeyay in ay dadkaasi is hortaageen amarka madaxda dawlada hoose ee Hargaysa iyo iyada oo dadkaasi ay adeegsadeen awood ay kaga horyimaadeen ciidanka booliska ee la geeyay goobta dhismaha balaadhan laga waday ee ku taala bariga Hargaysa, Arintani ayaa aad uga yaabisay dadweyanaha magaalada Hargaysa.

Hadaba arintani oo dhalisay muran gaadhay is rasaasayn ayaanay ilaa hada xukumadu wax ka qabanin, iyada oo maanta, ay ahayd in uu madaxweyne ku xigeenku la kulmo dadka laga qaadaayo dhulkooda, taasi oo aan suurtoobin, hase ahaatee ay u gudbiyeen qoraal cabasho ah taasi oo markii danbana la qab qabtay oo xabsiyada loo taxaabay qaarkoodna lagu xukumay 2 sano loona dhaadhaciyay Madheera.

Dhanka kalena dhismaha goobtaasi la doonaayay in laga dhiso ayaa mar labaad la bilaabay waloo hadana la joojiyay galinkii danbe, lama garanaayo sababta loo hakiyay in la sii wado dhismahaasi madaama la qab qabtay dadkii carqalada ku ahaa ee iyagu sheeganaayay goobtaasi, hase ahaatee warar kale ayaa sheegaaya in ay arintaasi soo fara galisay xukumadu isla markaasna amar lagu bixiyay in la hakiyo dhisida dhismahaaasi, arintana lagu xaliyo wada hadal.

Sida ay doontaba ha ahaatee arintani way ka gaabsdeen Maayarka iyo Badhisaabka gobolku in ay wax hadal ah ka bixiyaan eedaha looga soo jeedinaayo goobtaasi la leeyahay iyagaa siiyay ninkan meesha loo dhisaayo
wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: 27 people to Mandheera prison......

Post by wadaniweyn1 »

thats difference btw habar jeclo and the rest of issaq , waxaa kale umaa dagaalamaan 4 there land Sad Sad i remember in 2004 some hy tried stealing hj land in burco and they were massacred while they building on the property , only 5 dead and 7 wounded Very Happy Very Happy wallaahi they run away from there dead too. again the sheikh bashir school when the police tried to move the hj ppl fom living in the school Smile Smile waati 3 police officers were killed and 5 more wounded Very Happy and those ppl were paid to move . another time in 05 2 cops were killed 4 trying move hj squates from the road .

i think the rest of issaqs need to stand up and deffend there land .
thats the only way they can save guard there land .

musa issaqson
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”