THE GREATEST SOMALI IN THE LAST 200 YEARS ? THE MADMULLAH
Posted: Tue Jun 12, 2007 1:28 am
I DON'T CARE WAT ANYBODY SAY THE MADMULLAH WAS THE GREATEST SOMALI IN THE LAST ATLEAST SINCE AHMED GUREY
THIS IS WAT HE SAID WHEN HE KILLED THE BIG GAAL RICHARD CORFIELD.................
keenay si loo rumaysto geerida gaalka.Waxaa la yaab leh nin la odhan jiray Ina-weesaxume oo aan Daraawiish ahayn ayaa "Koofil" xoola ka dhacay, dadkiisiina si xun u galay dagaalkaas ka hor. Dabadeed ninkaasi wuxuu tirshey gabay kuhaan ah oo uu "Koofil" ku habaarayo,waxaana gabaygiisii ka mid ahaa:
Sayidkoo wax galay raacdadoo,la isku soo gaaray
Adiga iyo gubniga aad waddaa,gobootaal noqo e
Girligaanku kaa joogsay oo,guuxa kaa damiye
Ku goosgooste nimankii kufriga,gaajaduu qabaye
Afkuna"gow" ku yiri xaajadaad,gees u badisaaye
Guga ha gaarin adigaa tolkay,gaajadaas badaye
dabadeedna,siduu"Koofil" u ya'day baa loo diley. Jahaadkii markii laga soo noqday ayaa Sayid maxamed ku yidhi Ismaaciil mire: xarunta uga waran jahaadkii,ambabixinnii,weerar dagaalkii gebagabadinnii iyo xoolihii saamigaad ka heshay,dabadeedna Ismaaciil mire wuxuu mariyey gabaygan
Annagoo taleex naal,jahaad taladii soo qaadnay
Toddobaatan boqol oo darwiish, toogatay neef doora
Sayidkeennu tii uu na yiri torog ku heensaynnay.
markaa kaddibna Sayid Maxamed baa gabaygan soo socda oo uu koofil ku halqabsaday mariyey,oo wuxuu yidhi:
Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeynee
Adigaa jidkii la gugu wadi, jimicla'aaneede
Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
Nimankii jannow kacay war, bay jirin inshaalleeye
Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
Sida Eebahey kuu jirabay, mari jawaabteeda
SIDII LOO JAR JARAY
Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh
Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh
Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh
Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji
Nafjeclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
Kolkaan juuq idhaahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh
Dhaaxaan jalleecaye dheg baan, jalaq la ii siinin dheh
NO 1 LISTENED
Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
makay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh
Haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jil roonaa dheh
Weligood waxaa lagu jaraa jilibdhig duullaan dheh
Daraawiishi waa jibindhowga iyo jowga soo bixi dheh
MUSA ISSAQSON