Diyaarad isku dayday inay fadhiisato Kalabaydh oo lagu qasba

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
LUTENANT_XAMZA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 327
Joined: Tue Mar 13, 2007 10:12 am
Location: ROYAL -- Habar-AwaL - -Sacad-Muse 4 Life..

Diyaarad isku dayday inay fadhiisato Kalabaydh oo lagu qasba

Post by LUTENANT_XAMZA »

Diyaarad isku dayday inay fadhiisato Kalabaydh oo lagu qasbay garoonka Igal International Airport ee Hargyesa

Diyaarad ka soo duushay Djibouti oo isku dayday inay fadhiisato Kalabaydh iyada oo sidday badaceed lagu tuhunsan yahay kontraband.
Diyaaradda oo markii dambe la fadhiisiyey garoonka Igal International Airport ee Hargyesa.
Waxa u xidhan falkan shaqaale wasaaradda duulista ee JSL
Wararku intaa waxaykudarayaan Diyaaradan oo ka soo kacday Djibouti oo isku dayday duhurkii maanta inay fadhiisato garoonka Kalabaydhka.
Garoonka Kalabaydh wuxuu xidhnaa muddo 3 sanadood.
Wasiirka Duulista JSL, Mudane Warancade, ayaa warbaahinta galabta u sheegay inay ka war heleen abaaro 11:30 maanta inay diyaaradaasi rabto inay si sharci darraha ku fadhiisato garoonkaa xidhan ee Kalabadhka.
Wuxuu Wasiirku sheegay inay ku amreen diyaaradaasi inay fadhiisato garoonka Hargyesa. Waxay wararku sheegayaan in markii ay fadhiisatay Hargeysa baadhitaan lagu sameeyey lana helay inay siday badeecad koontraband ah oo u badan tobacco.
Wadayaashii diyaaraddu waxay sheegeen in badeecadda ay leeyihiin ganacsadayaal reer Somaliland ah, balse wasiirku uu sheegay inaanay iyagu aqoon kuwa ay yihiin balse la baadhayo.
Wasiirku waxay kaluu sheegay inay xidhayn hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda duulista oo lagu tuhunsan yahay in lug ku lahaayeen oo baadhitaan loo xidho
Ciidanka Booliska JSL oo soo Bandhigay noocyo hub oo ay qabteen iyo waliba daroogo
Ciidanka booliska jamhuuriyada somaliland ayaa saaka soo bandhigay noocyada hubka fudud iyo maandooriyayaal kala gadisan oo ay qabqabteen.
Hubkan fudud oo ka koobnaa tooriyo, faashash, iyo budhadh aad u tiro badan , waxa ku lamaanaa noocyada daroogo oo u badnaa khamri .
Waxyaabahan oo lagu soo bandhigay saldhiga dhexe iyo saldhiga new hargeysa ,
ayaa waxa ka waramay taliyaha ciidanka bilayska maxamed saqadhi dubad ,
waxaanu sheegay in hawl gal ay sameeyeen ciidanka bilayska ay ka uruiyeen hubka iyo daroogo wuxuu intaa ku daray in ay adeegsadaan hubkan fudud tuugta ,
isla markaana ay ilaa iyo 160 ka mid ah oo ay hubkan ku qabteen ay ugudbiyeen Xabsiga madheera
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”