Safarkii Madaxweynaha iyo Fadeexadii Norway.
Waxaa Caawa ( Xalay) Makhribnimadii Police dalka Norway Ku qabteen xubno ka mid ah weftigii madaxweynaha Somaliland ku weheliyey socdaalka safarka ay ku yimaadeen Norway, Sweden iyo qaarada Yurub. Police-ka Norway ee magaalada Dreman ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen salka ku hayo mukhaadaraad ay isticmaalayeen xubnahaas weftiga ahi, waxayna wararka laga soo xiganayo Police-ka magaaladaasi sheegeen in mukhaadaraadkaas oo ahaa mid ka badan wax qof cuno la geeyey Huteelka ay ku sugan yihiin weftigaasii, waxayna sheegeen in shaqaalaha huteelku soo wargeliyey, ka dibna ay bilaabeen in ay xaallada dusha kala socdaan. Mukhaadaraadka lagu qabtay ee Policeku sheegay ayaa ah, qaadka oo ka mamnuuc ah dalka Norway.
Wararku waxay sheegayaan in niman ay isku hayb yihiin Dahir Riyaale oo ku dhaqan Wadanka Norwey ayaa Madaxweyne Rayaale u soo kaxeeyay Magaalo yar oo layiraahdo Dreman si ay ugu soo qayilaan, kulan gaar ahna ula yeeshaan qaraabo ay Madaxweynaha aad isugu dhaw yihiin oo magaaladaas degan, qaraabo salaankaas ayay ka dhalatay in gacal in badan kala maqnaa ay qaarkood sida caadada ku ah dhaqanka Somalida ay qayilaan oo sheeko iyo xogwaraysi is dhaafsadaan.
Ragga ay illaa hadda Police-ku ku qabteen ee wararku sheegayaan, waxaa ka mid ah Cismaan Shiikh Cabdi oo ay aad isugu dhawyihiin Marwada Madaxweynaha qoys ahaan, waana nin la socda weftiga madaxweynaha oo Hargeysa ka soo raacay, hase yeeshe maaha masuuliyiinta xilalka qaran haya. Waxay kale oo sheegayaan wararku in afhayeenka Madaxtooyada loogu yimi halkii qaadka lagu cunayey hase yeeshee aanu isaga qudhiisu afka ku haynin qaadka xilligaas.
Madaxweynaha Somaliland ma qayileen ayay wararku sheegayaan, waxaana ay illo xog ogaal ahaa leeyihiin, wax yar ka hor ayuu qolkiisii hurdada qabtay, ka dib markii uu in door ah la fadhiyey, hase yeeshee xilligii ay yimaadeen Police-ku wuxuu joogay qolkiisa hudada, halkaas oo uu ka badbaaday fadeexada ku dhacday weftiga. Waxaa ay wararku intaas ku darayaan in dalka Norway ay weftigii qaranka samcad xumo iyo dhibaato kala kulmeen ay iyagu isu gaysteen, ummadii, shacbigii iyo qarankii soo igmaday. Dhibaatadaas oo ah in masuuliyiintii ugu saraysay dalka Somaliland ay kala garanwaayeen wixii dalkii ay martida u ahaayeen ka amnuuca ahaa iyo wixii aan ka mamnuuca ahayn, waana arrin shacbiga reer Somaliland ee Norway aad uga cadhaysiisay.
wixii ka soo Kordha wararkaas waanu idin soo gudbin doonaa.
Cabdikhaliq Cabdilaahi
Somalilandfuture Online
Safarkii Madaxweynaha iyo Fadeexadii Norway.
Moderator: Moderators
- COSTA
- SomaliNet Super
- Posts: 13754
- Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
- Location: (Sapo)= Min arbetsgivare
Re: Safarkii Madaxweynaha iyo Fadeexadii Norway.
Most Somalis in Scandinavian jails are Isaaq and they`re all caught with Jaad 

- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: Safarkii Madaxweynaha iyo Fadeexadii Norway.
Really , embarassing! 

Re: Safarkii Madaxweynaha iyo Fadeexadii Norway.




Waxaa fiican in mid walba lagu xukumo inuusan tegi karin meel khaad lagu cuno ama lagu iibiyo hal bil gudaheed. Qaarkood miyirka baa ka tegi lahaa ama wadnaha istaagi lahaa.
- Young Royal
- SomaliNetizen
- Posts: 414
- Joined: Thu Dec 30, 2004 10:18 pm
- Location: Puntland...The Land of Punt
Re: Safarkii Madaxweynaha iyo Fadeexadii Norway.
Ina Baxar,
Is this story true or is it just a fabulous fairytales for everyone to enjoy?
Is this story true or is it just a fabulous fairytales for everyone to enjoy?
Last edited by Young Royal on Wed Jun 13, 2007 4:51 pm, edited 2 times in total.
- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: Safarkii Madaxweynaha iyo Fadeexadii Norway.
Young Royal I have no idea , but as a true somali I'll distance myself from it .
quote from the article-->"Wararku waxay sheegayaan in niman ay isku hayb yihiin Dahir Riyaale oo ku dhaqan Wadanka Norwey ayaa Madaxweyne Rayaale...."
, niman gadabuursi ah baa u keenay qaadka .
quote from the article-->"Wararku waxay sheegayaan in niman ay isku hayb yihiin Dahir Riyaale oo ku dhaqan Wadanka Norwey ayaa Madaxweyne Rayaale...."

- Young Royal
- SomaliNetizen
- Posts: 414
- Joined: Thu Dec 30, 2004 10:18 pm
- Location: Puntland...The Land of Punt
Re: Safarkii Madaxweynaha iyo Fadeexadii Norway.
Ina Baxar,
I think I heard a similar story too and as they said it actually took place at this wedding he, Mr. Riyaale was at. But on my end I think it was about who tipped the police rather than who brought him khat'ka...I must say I was surprised when I heard who they were though.
I think I heard a similar story too and as they said it actually took place at this wedding he, Mr. Riyaale was at. But on my end I think it was about who tipped the police rather than who brought him khat'ka...I must say I was surprised when I heard who they were though.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 892 Views
-
Last post by MJ-Pride
-
- 7 Replies
- 939 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 0 Replies
- 211 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 1 Replies
- 335 Views
-
Last post by Gedo_Boy
-
- 4 Replies
- 494 Views
-
Last post by S-D-M
-
- 10 Replies
- 1234 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 554 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil
-
- 6 Replies
- 520 Views
-
Last post by yunis09
-
- 1 Replies
- 571 Views
-
Last post by oxymoron