mj siyaasi: Maamulkii Aadan Cadde wuxuu ahaa mid qaldan oo k

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

mj siyaasi: Maamulkii Aadan Cadde wuxuu ahaa mid qaldan oo k

Post by Hiiraan boy »

mutherfukers always say something agaisnt hawiya

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni-Boqor) “Maamulkii Aadan Cadde wuxuu ahaa mid qaldan oo ku dhisan Cadaaladdarro, qaraabaysi iyo daciifnimo”

Qoraal dheer oo uu soo saaray Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid (Jinni Boqor) ayaa wuxuu si faahfaahsan uga hadlay qaladaadkii iyo qarbudaadkii Maamulkii Aadan Cadde uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka galay, wuxuuna ugu horreyn Xildhibaanku qoraalkiisa ku bilaabay tacsi uu u dirayo isaga, asxaabtiisa iyo familkiisaba qoyskii iyo qaraabadii uu ka geerayooday Marxuum Aadan C/lle Cusmaan Madaxweynahii ugu horeeyay ee Soomaaliya 1960-67 waxaan Ilaah uga baryaynaa ayuu inuu ka waraabiyo jannadii Fardowsa eheladii uu ka tagay iyo Ummadda Soomaaliyeed dhammaan samir iyo iimaan ka siiyo.

Intaa kadib waxa uu xildhibaanku yiri:- Shaki kuma jiro in Aadan C/lle Cusmaan ahaa halgame Soomaaliyeed ahaana qof wanaagsan, taariikhda been lagama sheegi karo lamana marin habaabin karo shakina kuma jiro in maamulkii Aadan C/lle Cusmaan xilligii xoriyo qaadadka 1/Julay 1960-kii ilaa Jullay 1967-dii uu dalka Soomaaliyeed uu madaxweynaha ka ahaa aanu helin maamul sax ah oo haboon wuxuuna dalka uga tagay arrimo badan oo istaahila in lagu xasuusto sida uu u maareeyay arrimaha dalka uguna kaxeeyay waddo aan sax ahayn hadduu tagay xilkiina laga qaaday dadweynaha Soomaaliyeed waxaynan marna ilaawi karin maamulkiisii ku dhisnaa cadaaladdarada, qaraabaysiga iyo daciifnimada ku dhisnaa kaasoo dalka u keenay maamulo kale oo ka dhashay qaladkii ay galeen nimankii uu dalka u hibeeyay taas oo keentay in dalka ciidamo qabsadaan Dastuurkii iyo Sharcigiina la tuuro iyadoo sabab looga dhigaayo qaladaadkii maamul xumadii iyo musuqmaasuqii ay ku caan baxeen dowladahii uu ka sameeyay intuu talada dalka hayay ee uu madaxweynaha ahaa.

Ugu horreyn waxaa lama ilaawaan ah oo lagu xasuustaa maamuladaas sharciyadii dalka oo uu ugu horreeyo Xeerka oo lagu dhaqmi waayay meel la isaga tuuray markii muwaadiniinta Soomaaliyeed oo inay wax doortaan waxna diidaan Dastuurka u ogolaanaayay loo diiday inay gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah inay wax doortaan, markaas oo la qaatay nidaamkii ku shubashada, warqadaha beenta ah oo Kumanyaalka ah laga buuxiyay sanaadiiqdii cod bixinta iyadoo aan dad ku codayn taas oo dalka u horseedday in la kala aamin baxo tusaale ahaan, dastuurkii u horeeyay ee dalka.

1- markii aftida loo qaaday ee dadweynaha la weydiiyay HAA & MAYA dowladdii xilligaas ka jirtay dalka waxay ku shubatay warqado been ah waxayna ku xaalaalaysay dastuurkii waxayna been ka sheegtay tiradii dadka codeeyay, waxayna ku xadgudubtay nidaamkii cod bixinta, tusaale ahaan magaalada Wanlaweyn oo uu xilligaas Guddoomiye ka ahaa nin la oran jiray Ibraahim Jeneraale waxa uu ku dhawaaqay in magaalada Wanlaweyn ay ku codaysay HAA 100kun qof, mana laha qof diiday, xilligaas waxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa una xil saarnaa Aftida iyo amaanka dalka Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen, taliyaha Ciidamada Booliiska oo nabadgelyada qaabilsana waxa uu ahaa Jen. Max’ed Abshir Muuse.

2- Mar kasta oo doorasho timaado xisbigii dalka xukumayay ee SYL ee Aadan Cadde Madaxda u ahaa wuxuu xalaalaystay waxa la yiraahdo (LIST UNICO) oo micnaheedu yahay kursaatoo dhan waxaa helay SYL 121 Kursi iyagoo aan lala tartamin taas oo lagu hoggaaminaayay xoog dadkana la xirxiraayay taasina waxay keentay in xisbigii SYL uu waddadii ka leexdo lagana aamin baxo.

Xaaji Max'ed Xuseen oo ka mid ahaa aasaasayaashii 13kii dhalinyaro ee SYL ahaan jirayna Guddoomiyahii SYL oo laga soo doortay deegaanka Marka 1964-tii isla markaana ahaa Xildhibaanka kaliya oo aan qabiil lagu soo dooran isagoo ahaa Guddoomiyaha xisbiga SDU ee mucaaradka Madaxweyne Aadan C/lle Cusmaan waxa uu isku dayay inuu ka hor istaago gelidda baarlamaanka isagoo aqlabiyad ballaaran lagu soo doortay wuxuuna isku dayay inuu kursigaas ku soo galo baarlamaanka Xaaji Faarax Cali Cumar oo ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, nasiib wanaag Soomaalidu way u gurmadeen wayna garab istaageen Xaaji Max'ed Xuseen.

Waxaa kaloo u soo gurmaday oo garyaqaano caalami ah oo soo dirtay dowladda Taliyaaniga maxkamdiina waxay u xukuntay kursigaas Xaaji Maxamed Xuseen, taasi waxay ahayd arrin aan ku fiicnayn Dimuqraadiyadda iyo dastuurka Soomaaliyeed waxayna meel ku dhac ku ahayd xuquuqda Soomaaliga.

Dowladdii 1960-1967-dii waxaa loo yiqiin Abaaro, Cawaro, Dameeraalay iyo (GOVERNO INVACANSA) oo micnaheedu yahay dowladdii aan shaqeynayn ama dowladdii fasaxa ku maqnayd, kalimadahaas waxay ka soo burqanayeen caradii iyo naceybkii dadweynuhu u qabay maamulladii dowladahii xilligaas uu madaxda u ahaa ALLAH u naxariistee Aadan C/lle Cusmaan (Adan Cadde).

3- Madaxweyne Aadan Cadde markii uu 1964-tii magacaabayay Ra’isu wasaarahii labaad Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen oo Baarlamaanku kalsoonadii u diiday madaxweynahu mar labaad ayuu ku celiyay C/risaaq oo lagula taliyay inuu bedello, joojiyana magacaabistaas waxa uu yiri "ISKA DAA C/RISAAQE, HABAR IISHO HADDAAN MAGACAABO WAY SOCONAYSAA" Habar iisho waxay ahayd Islaan maskiin ah oo maskaxda ka jiran kuna noolayd xilligaas darbiga Baarlamaanka.

4- Madaxweynuhu mar uu damcay inuu socdaal ku tago Jarmalka galbeed oo uu dadweynihii Xamar degenaa ay ka hor yimaadeen safarkaas oo ku caan baxay "NO BORN" taasoo macnaheedu tahay Born ha aadin wuu ka dhega adeygay. Qodobadaas aan kor ku soo sheegay waa qodobadii sababay in la rido oo la dooran waayo mar labaad.

5- Dhinaca horumarka dhaqaalaha maamulkii Aadan C/lle Cusmaan (Aadan Cadde) ma qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo dalka u keeni kara horumar dhaqaale iyo ilbaxnimo marnana isku fikrad ma noqon Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarihiisii Dr. C/rashiid Cali Sharma’arke oo u liicay dhinaca Sofit Union-ka ama shuuciyada si uu uga fushado ilo dhaqaale iyo awood ciidan taasoo lidkeeda Madaxweynuhu diidanaa oo uu ku xirnaa Taliyaaniga oo kaliya in wax lala qabsado waa tii keentay in la ceyriyo Dr. Rashiid lana banjiriyay mashruucii beeraha ee la magac baxay Faanoole oo ay ku baxday 300 oo malyan oo dollarka Mareykanka ah.

6- Qorshaha kuma aanay darin dowladdu maamul wanaagsan iyo ilbaxnimo soo korodha (GOOD GOVERNANCE & CIVILASATION).

7-Dastuurkii Soomaaliya ee 1960-kii waxa uu qoraayay in dalka uu yahay dal dimuqraadi ah dadkuna xuquuqdooda ay u helaan si waafaqsan dimuqraadiyadda dastuurka lagu qorey taasoo aan dhicin marna.

8- Iskudarkii labada qeybood dalku ka koobnaa ee Koonfur iyo Waqooyi lama adkeyn lamana cilmiyeyn oo durbadiiba 1961-kii waxaa bilowday buuq iyo kala aamin bixid labadii qeybood ee midowday, taasoo keentay in saraakiisii waqooyi isku dayaan inqilaab si ay u goostaan Somaliland.

Isku soo duuboo halaaga Soomaaliya ku dhacay iyo qabsashadii ciidamadu la wareegeen xukunkii dastuurkiina tureen maamul xumadii maamulka Aadan Cadde ayaa u sabab ahaa.

Tusaale ahaan caradii Siyaasiyiinta uu hoggaaminayeen Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal, Xaaji Cali Ismaaciil (Weyaanay) iyo Xaaji Cali Jimcaale Barraale waxay keentay in ay furtaan Xisbi loo yiqiin SNC xisbigaas oo la isugu geeyay xoogag IRIRIST ah, dhammaan waxyaalahaas oo dhan waxay muujinayeen sida aan Maamulka Aadan Cadde dadku uga raali ahayn, taasoo keentay in dalku ku jiro xukun Maliteri oo aan ku socon qorshe dowladeed oo isu dheeli tiran iyo maamul wanaag sharci ku dhisan.

Dhammaan qaladaadkaas iyo maamul xumidaas dhacday waxay aakhirkii keentay burburka Soomaaliya ay ku jirto 17sano iyadoo muddada ka badan 47 sano uu dalku ku jiro maamul xumo sharci la’aan iyo burbur guud, waxaana waxaas oo dhan gundhig u ah qaldaadkii ay galeen maamuladii uu hoggaanka ka ahaa ALLAH u naxriistee Madaxweynahii hore Aadan C/lle Cusmaan (Aadan Cadde), Ra’isal waasaarayaashii maamulkii Aadan C/lle Cusmaan ALLAH u naxriistee Mudane C/rashiid Cali Shar ma’arke iyo C/risaaq Xaaji Xuseen oo imminka nool dibadda.

Waa inaynu is xusuusinaa oraahda ah (ALIF XUMAADAY AL-BAQRA KAMA HAAGAAGO) waxaa kaloo mudan inaan xusuusano oraahda ah (AYAX TAG EELNA REEB) gababadii Marxuum Aadan C/lle Cusmaan waxa uu ahaa shaqsiyan qof wanaagsan sidii uu Alle u abuuray laakiin maamulkiisu waxa uu ahaa maamul aan wanaagsanayn wixii uu wax u dhiibayna wax wanaagsan ma samayn.

9- Arrinta Soomaaliya waxay u qeybinaynaa 3-Xilli (Three Periods) xilliga hore oo ka bilowda xoriyada lana kowsaday qaladaadkii 1-dii Jully 1960-kii- 1-dii Jully 1967 (First Period).

Xilliga 2-aad (Second Period) waxaynu u qaadanaynaa xilligii ay Askartu dalka la wareegeen21- Okotobar 1969 - 1990-kii.

Xilliga 3-aad(Third Period) waa xilligii ka dambeeyay 1990-ka oo ka bilowday burburkii oo haatana dalka ciidamo shisheeye iyo cadow sokeeye dalka qabsadeen.

Run ahaantii saddexda xilli mid walba waxa uu leeyahay waxyaalo u gaar ah oo lagu garto:-

Kan koowaad ah waa xilligii Mudane Aadan C/lle Cusmaan Madaxweynaha ahaa waana xilligii la magac baxay Musuqmaasuqa, Eexda, Qabiilka iyo Boobka, doorashooyinka oo lagu shubto warqado been ah oo qofka dadku rabeen laga xoogo codkii loona duwo qof aan dadku kalsooni ka haysan, laakiin ku xiran maamulka Aadan Cadde si kastaba ha ugu xirnaadee.

Arrintaasi waxay sababtay in la dilo Madaxweynahii dalka Mudane C/rashiid Cali Sharma'arke xoogggii Maliterigu qabsadaan awoodii dalka taasoo keentay tuurista dastuurkii iyo xuquuqda Aadanaha oo meel looga dhacay gababadiina ku soo biyo shubatay dhibaatada Soomaaliya ee burburka iyo dowlad la'aanta u keentay.

Haddii aynu tusaale u soo qaadano qodobadii ka mid ahaa dastuurkii 1960-kii ee lagu tuntay waxay u dhawaaqayeen sida tan:-

FUNDAMENTAL RIGHTS AND DUTIES OF THE CITIZEN:

Art-8-RIGHT TO VOTE

=The Vote Shall be Personal, Equal, Free and Secret

Art-3- EQUALITY OF THE CITIZEN

=Shall have Equal Rights and Duties before the Law

Art-5- SUPERMACY OF THE LAW

The Ornization of the State and the Relationships of the State and other Person Puplic or Privat shall be Governed by Law.

Akhriste intaas waxay caddynayaan qaladaadkii Jamhuuriyada 1-aad ee Soomaaliya gashay waxayna sabab u noqotay qaladaadkaas dhacay burburka iyo Qaran jabka Soomaaliya noqdayna mool aan guntiisa la aqooni.

Haddaba waxaa is weydiin mudan Maamulkii ALLAHAu Naxariistee Aadan C/lle Cusmaan Amaan ma Istaahilaa?!!!

F.:- Qoraalkan loolama jeedo in Marxuumka iyo Eheladiisa wax loogu dhimo waxaase loola jeedaa in taariikhda run laga sheego jiilalka cusubna la xusuusiyo wadddii dalku soo maray laga soo bilaabo 1960-kii ilaa wixii ka dameeyay"
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”