Garaash uu Muqdisho ku leeyahay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo baaritaan lagu sameeyey iyo dil saaka ka dhacay isgoyska Bakaaraha
Ciidamada dowladda federaalka Soomaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee shalay baaritaan ku sameeyey Garaash uu xildhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato) ku leeyahay deegaanka Cakaara oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Sida warku sheegayo ciidamada ayaa baaritaan xoog leh ku sameeyey garaashkaasi, iyagoo ka baaraya hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay ku tuhunsanaayeen in halkaasi lagu qariyey, waxayna markii dambe ciidamadu halkaasi kala baxeen labo Koonteynar oo xiran, kuwaasoo aan la ogeyn waxa ku jira sida dad goob joogayaal ahi ay sheegayaan, mana jirin dad ay halkaasi ka qabqabteen oo horey ay u sii kaxeysteen.
Ma jiro ilaa hadda war ku saabsan baaritaanka ciidamada labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku sameeyeen garaashkaasi oo ka soo baxay ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo xildhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato) oo ah milkiilaha garaashka.
Dhinaca kale, nin rayid ah ayaa saaka lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka qeybta qudaarta ee Suuqa Bakaaraha ka dib markii niman hubeysan oo aan la garaneyn ay rasaas ku fureen isagoo halkaasi iska lugeynaya, lamana garanayo ilaa hadda sababta keentay dilkaasi iyo cida ka dambeysa, wuxuuna dilkani ku soo beegmay xilli habeenimadii xalay ay ka dhaceen magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah qaraxyo iyo iska horimaadyo aad u culus oo lala beegsaday fariisimo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha iyo hareeraha caasimada.
BREAKING NEWS CISMAAN CAATO GARAGE SEARCHED
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 467 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 404 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 9 Replies
- 957 Views
-
Last post by Unclebin-
-
- 1 Replies
- 1993 Views
-
Last post by GIJaamac
-
- 0 Replies
- 473 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 5 Replies
- 2433 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 1 Replies
- 360 Views
-
Last post by DawladSade