Xildhibaan Caato oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho iyo xiisad laga cabsi qabo in imaanshiisa ay ka dhalato
Xildhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato) oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Baydhabo ee gobholka Bay ayaa la sheegay in saacadaha soo socda uu ku soo wajaahan yahay magaaladan Muqdisho ka gadaal markii maalintii shalay uu ku eedeeyey ciidamada Itoobiya ee awooda siinaya dowladda Soomaaliya iney gurigiisa ka qaateen lacago fara badan oo isugu jira Dollar iyo kuwo kale, dahab, hub, iyo allaabo kale oo muhiim ah taasoo ka dambeysay markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidamadaasi baaritaano ku sameeyeen gurigiisa.
Inkastoo Xildhibaan Caato uu sheegay in falka lagu baaray gurigiisa uu yahay mid sharci daro ah oo magaalada Muqdishana uu u iman doono inuu dacwad ka galo arintaasi ayaa haddana laga cabsi qabaa in socdaalkiisa uu keeno xiisad iyo muran dhexmara isaga iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho kaasoo ku wajahan cida ka bixisay amarka lagu galay gurigiisa oo uu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono.
Dhinaca kale, taageerayaashiisa oo si aad ah uga carooday falka lagula kacay hantida uu xildhibaan Cismaan Caato sheegay in laga qaatay gurigiisa oo ku yaala xaafada Sei-biyaano ee degmada Hodan ayaa wada dhaqdhaqaaq ay ku soo dhoweynayaan Cismaan Caato, iyadoo socdaalka Xildhibaanku uu ugu baqoolooyo caasimada uu ku soo beegmayo xili in ka badan 24 saac ay ka soo wareegtay markii la baaray gurigiisa oo isla markaana ilaa hadda dowladda federaalka Soomaaliya aaney ka soo saarin wax war ah oo ay kaga jawaabeyso hadalka ka soo yeeray xildhibaan Caato iyoi baaritaanka lagu samneeyey gurigiisa oo lagu tilmaamayo inu ahaa mid sharci daro ah.
Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com
BREAKING NEWS CAATO IS GOING TO MUQDISHO
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 520 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 610 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 406 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 0 Replies
- 551 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 40 Replies
- 3632 Views
-
Last post by Kismaayo21
-
- 0 Replies
- 485 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 7 Replies
- 940 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 12 Replies
- 1265 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 0 Replies
- 545 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 621 Views
-
Last post by Hiiraan boy