Labo ka mid ah ciidamada dowladda oo lagu dilay duleedka Kismaayo
Click here to find shabelle news in English
Kismaayo 15, June.07 ( Sh.M.Network) Labo ka mid ah ciidamada Millitariga dowladda KMG ah ee Somalia ayaa la sheegay in lagu dilay Tuulo ku taala gobolka J/hoose.
Labadan askari ayaa waxaa toogasho ku dilay maleeshiyooyin Isbaaro u taala tuulada Yoontooy ee W/magaalada Kismaayo, xilli ay ku soo jeedeen magaalada sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah oo gaari la saarnaa labadani askari.
Maleeshiyooyinka Isbaarada u taalay ayaa waxa ay ku amreen Labadani askari in ay dhulka soo dagaan, isla markaana ay dhigaan qoryaha, waxaana markii dhulka ay soo dageen ay ku fureen tacshiirad.
Maleeshiyadaan ayaa waxaa la tilmaamay in kal hore laga saaray magaalada Kismaayo ka dib markii ay ka dhaceen dagaalo dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Labadani askari ee la dilay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen ciidamada guutada 3aad ee dowladda ee haatan gacanta ku haya magaalada Kismaayo.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan arinkaan, isla markaana ay soo qaban doonaan kooxaha ka dambeeya.
Click here to find shabelle news in English
Max'ed Axmed
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
2 TFG askar killed in kismaayo
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 736 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 8 Replies
- 1044 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 7 Replies
- 686 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 5 Replies
- 560 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 29 Replies
- 2207 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 1 Replies
- 649 Views
-
Last post by Titanium
-
- 15 Replies
- 1275 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 1 Replies
- 391 Views
-
Last post by Sauron
-
- 7 Replies
- 188 Views
-
Last post by Twisted_Logic