MORGAN ESCAPES BOMB ATTACK

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

MORGAN ESCAPES BOMB ATTACK

Post by Hiiraan boy »

Waxaa maalintii shalay isku day dil ka badbaaday Jen. MaxamedSaciid Xersi (Morgan) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee sida aadka ah ula shaqeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Jen. Morgan oo isagoo marayay shalay agagaarka xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho kana yimid Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Adan Adde Airport ayaa lala begsaday qarax Bambaano oo ahayd miino dhulka loogu aasay, taasoo aanu waxba ku noqon, balse sida la sheegay ciidamo la socday isaga ay waxyeelo soo gaarsiisay, iyadoo tirada dhimashada lagu sheegay 7 ruux oo rayidna uu ku jiro.

Dhinaca kale lala beegsaday Ciidamada Itoobiya oo ka dhacay Isgoyska Sanca degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay qaar ka mid ah askarta Itoobiyaanka halka kuwo kale uu dhaawac uu soo gaaray, iyadoo sidoo kale dad u badan rayid ay wax ku noqdeen.

Qarax kale oo isna lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhacay agagaraaka xaafadda Geed-qalooc ee ku dhow Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray qaar ka mid ah ciidamadii Baabuurkaa la qarxiyey saarnaa, iyadoo dad rayid ahna ay wax ku noqdeen.

Goobaha oo qaraxyadu ay ka dheceen shalay xilliyo is xigxigay ayaa tagay ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya, kuwa dowladda KMG Somaaliya iyo kuwa Yugandha, waxaana loo qabqabtay dad badan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”