Koox cusub oo la magac baxday Ciidanka Xoreynta Soomaliya (Somali Libration Army), ayaa ku soo biirtay xoogagga u istaagey la dagaallanka Ciidanka Itoobiya ee qabsaday dalka Soomaliya.
Warar horudhac ah oo aan ka helnay saraakiil ka tirsan ururkan cusub ayaa tibaaxay in ururku uu ku dhismay rabitaanka shacabka gumeysi diidka ah ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku nool, waxaana saraakiishaasi noo xaqiijiyeen iney dhowaan soo bandhigi doonaan Ajandahooda.
Ururkaan oo dhismahiisa wejigii hore iyo wejigii labaad haatan soo gabagaboobey ayaa u diiyaarsan howlgal lixaad leh oo ay cadowga qabsaday dalkooda hooyo uga xoreynayaan, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ururkan oo ku gaabsaday in magacyadooda ay ku soo bandhigi doonaan war saxaafadeed ay dhowaan qaban doonaan.
Ciidanka Xoreynta Soomaaliya ayaa saldhigtay Magaalada Muqdisho, waxayna ka kooban yihiin labo garab oo kala ah Garabka siyaasadda iyo Garabka Millitariga, iyadoo sida uu noo sheegay sarkaal ka tirsan ururkaan ay ka mid yihiin siyaasiyiin, aqoon yahanno, iyo ciidammo u badan Millitarigii hore ee soomaliya.
Ururkan ayaa ku soo beegmay xilli ururro badan oo ay isku fikir yihiin ay dalka ka jiraan, ciidamo cadaw ahna ay waddanka xoog ku heystaan, iyadoo ay jiraan qaar soomaali diirka ka ah cadowgana la safan, waxaana muuqata in soomaalidii ay bilaabeen Axyaaa Waddani.
NEW SOMALI MILITANT GROUP: SOMALI LIBERATION ARMY
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 1176 Views
-
Last post by Alluring
-
- 4 Replies
- 582 Views
-
Last post by Aliyyi Oromada
-
- 17 Replies
- 1051 Views
-
Last post by nomadicwarlord
-
- 9 Replies
- 616 Views
-
Last post by ultratribalism
-
- 6 Replies
- 824 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 1 Replies
- 439 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 0 Replies
- 294 Views
-
Last post by newsbot
-
- 4 Replies
- 478 Views
-
Last post by *jr
-
- 3 Replies
- 427 Views
-
Last post by galia