Growing Trade in Somalia....and the emerging market....

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
eyes-only
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5652
Joined: Sun Apr 30, 2006 2:30 pm
Location: ** Xamar-Caddey**

Growing Trade in Somalia....and the emerging market....

Post by eyes-only »

of selling civilians...

....

Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe caan ku ahayd dilalka iyo dhaca lagula kaco shacabka ayaa mar qura waxay isku rogtay goob looga ganacsado dadka rayidka ah.

Maalin kasta waxa magaalada Muqdisho laga ururiyaa dad aan waxba galabsan kuwaasoo lagu shubo xabsiyo. saraakiil ay isku hayb yihiin madaxwayne cabdulaahi yuusuf ayaa iyagoo adeegsanaya maleeshiyaadka dowladda falkan dadka rayidka ah looga ganacsanayo ka bilaabay magaalada Muqdisho.


Dadka la xirxirayo ayaa waxa laga qaataa lacago madaxfurasho ah iyadoo hadii aanay bixin lacagahaasi loogu hanjabo in lagaynayo xabsiga Hawiyaha boosaska looga baneeyay ee la yiraahdo Alambaqa kaasoo ku yaal wadanka Ethiopia.

dadka la doonayo in laga ganacsado ayaa waxa lagu xushaa dhaqaalaha iyo in uu reer wax haysta uu ka soo jeedo iyadoo dadka muhiim ka ah ee la is leeyahay lacag fiican ayaa laga helayaa si gaar ah loogu xiro xarunta Villa Somalia.

Shalay oo u dambaysay waxaa suuqa bakaaraha laga soo qabqabtay 10 qof oo lagu soo xushay beelaha ay ka soo jeedeen oo Hawiye ahaa iyo iyagoo dad ganacsato ahaa kuwaasoo durbadiiba loola dhaqaaqay dhinaca Villa Somalia oo noqotay xarunta ugu wayn ee lagu hayo dadka lacagaha waawayn lagu iibsanayo.

Maanta oo kaliya qaybo ka mid ah xaafadda Wardhiiglay oo ciidamada Ethiopia ay howlgalo ka sameeyeen ayaa waxa laga qabtay inta la ogyahay 30 qof oo isugu jiray mas'uuliyiin, dhalinyaro, ganacsato iyo qaar kale oo qaab diimeed looga ganacsanayo.
Arrintan ka ganacsiga dadka ee ay magaalada Muqdisho keeneen saraakiil ay isku hayb yihiin madaxwayne Cabdulaahi yuusuf ayaa waxay walaac ku abuurtay beelaha Hawiye oo loogu talagalay in laga ganacsado kii wax laga waayana loo gudbindoono xabsiga Alambaqa ee ku yaala wadanka Ethiopia.

Dad badan ayaa isweydiinaaya waqtiga ay sii sicin doonto & waxyaabaha ay reebi doonto, Soomaalida ayaa ah dad si fiican u yaqaan aarsiga, dhibaatada soo martana aan marnaba hilmaamin, maanta oo cadaw wadanka qasab ku haysto, ayaa qabiilada qaarkood isku dayayaan inay ka faa'iidaystaan dhibaataynta & aargoosi ay kula kacayaan qabiil kale. waase loo joogi doonaa ilaa inta cadawga wadanka haystaa ay waardiye u noqonayaan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”