Daahir Riyaale Oo Si Dirqi Ah Uga Badbaaday In Xabsiga Ay Dhigto Dowlada Norway
Goor Makhribnimo ah ayay ahayd markii Police dalka Norway Ku qabteen xubno ka mid ah weftigii Daahir Riyaale ku weheliyey socdaalka safarka ay ku yimaadeen Norway, Sweden iyo qaarada Yurub iyagoo si weyn u murqaansan oo raamsanaya Jaad xiligaas oo riyaale laftiisa goobta uu xaadir ku ahaa.......................
Police-ka Norway ee magaalada Dreman ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen salka ku hayo mukhaadaraad ay isticmaalayeen xubnahaas weftiga ahi, waxayna wararka laga soo xiganayo Police-ka magaaladaasi sheegeen in mukhaadaraadkaas oo ahaa mid ka badan wax qof cuno la geeyey Huteelka ay ku sugan yihiin weftigaasii, waxayna sheegeen in shaqaalaha huteelku soo wargeliyey, ka dibna ay bilaabeen in ay xaallada dusha kala socdaan.
Mukhaadaraadka lagu qabtay ee Policeku sheegay ayaa ah, qaadka oo ka mamnuuc ah dalka Norway.
Wararku waxay sheegayaan in niman ay isku hayb yihiin Dahir Riyaale oo ku dhaqan Wadanka Norwey ay Rayaale u soo kaxeeyeen Magaalo yar oo layiraahdo Dreman si ay ugu soo qayilaan, kulan gaar ahna ula yeeshaan qaraabo ay Riyaale aad isugu dhaw yihiin oo magaaladaas degan, qaraabo salaankaas ayay ka dhalatay in gacal in badan kala maqnaa ay qaarkood sida caadada ku ah dhaqanka Somalida ay qayilaan oo sheeko iyo xogwaraysi is dhaafsadaan.
Ragga ay illaa hadda Police-ku ku qabteen ee wararku sheegayaan, waxaa ka mid ah Cismaan Shiikh Cabdi oo ay aad isugu dhawyihiin Marwada Riyaale qoys ahaan, waana nin la socda weftiga Riyaale Kaahin oo Hargeysa ka soo raacay,
Waxay kale oo ay sheegayaan wararku in afhayeenka Daahir Riyaale kaahin loogu yimi halkii qaadka lagu cunayey isagoo murqaamsan
Daahir Riyaale ayay wararku sheegayaan, in wax yar ka hor uu qolkiisii hurdada qabtay, ka dib markii uu in door ah la qayilayay, hase yeeshee xilligii ay yimaadeen Police-ku wuxuu joogay qolkiisa hurdada, halkaas oo uu ka badbaaday fadeexada ku dhacday weftiga.
Waxaa ay wararku intaas ku darayaan in dalka Norway ay weftigii Riyaale samcad xumo iyo dhibaato kala kulmeen ay iyagu isu gaysteen
http://www.somalilandfuture.com/ee/inde ... ii_norway/
Daahir Riyaale Oo Si Dirqi Ah Uga Badbaaday In Xabsiga Ay Dh
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 611 Views
-
Last post by Icekristella
-
- 39 Replies
- 2357 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 7 Replies
- 562 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 402 Views
-
Last post by COSTA
-
- 11 Replies
- 999 Views
-
Last post by BankiiTuuyo
-
- 3 Replies
- 361 Views
-
Last post by Xamari_76
-
- 3 Replies
- 433 Views
-
Last post by karkaar
-
- 0 Replies
- 356 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 19 Replies
- 1314 Views
-
Last post by SayyidUmar