Xaalada Magaalada Kismaayo oo kacsan iyo goobaha ganacsiga o

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Xaalada Magaalada Kismaayo oo kacsan iyo goobaha ganacsiga o

Post by Hiiraan boy »

Xaalada Magaalada Kismaayo oo kacsan iyo goobaha ganacsiga oo xiran
Posted to the Web Jun 19, 13:41


Kismaayo:-Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa aad u kac san iyadoo magaalada gudaheeda iyo daafaheed laga dar eemayo dhaqdhaqaaq ciidan iyo diyaargarow xooggan oo ay wadaan Ciidamo ka tirsanaa Ciidanka DFKM oo markii danbe u kala jabay qaab beelood.

Ciidamada gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ayaa ciidamadooda isugu geeyey Madaxtooyada Kismaayo halka wararka qaarna ay sheegayaan inay ciidankooda isugu geeyey tuulo kaga beegan Waqooyi Magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa gabi ahaan goobihii ganacsiga albaabada loo laabay
sida Bakhaarada meelaha laga shaaho iyo waliba dukaamada , ka dib markii ay tuulooyin ku teedsan Magaalada Kismaayo ay soo degeen ciidamo ka yimid dhinaca Buulogaduud iyagoo degay Sacmooje, Qandal wada Airporka.

Dhinaca kale meleeshiyo hubaysan ayaa xabado ku furay goobo ganacsi halkaas oo ay ku geeriyootey haweenka sandaqadaha ku leh magaalada Kismaayo gaar ahaan meesha la yiraahdo Shineemo Ayaan.

Wararka naga soo gaaraya Buulogaduud ayaa sheegaya in saaka uu halkaas
ku qalibmay mid ka mid gawaarida tiknikada oo ay lahaayen Ciidamada ku sugan Buulo gaduud , gaarigaas oo ah nooca tiknikada oo loo yahaan Cabdi Bile waxaana ku geeriyooday 1 askari halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

wixii war ah ee soo kordha kala soco warqabadaka Halgan.net

Halgan.net
Wariye Cabdi Yare
Kismaayo
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”