Page 1 of 1

Beesha Sacad oo war ka soo saaray baaristii lagu sameeyay gu

Posted: Tue Jun 19, 2007 7:33 am
by Hiiraan boy
Beesha Sacad oo war ka soo saaray baaristii lagu sameeyay guriga Xildhi. Caato

Click here to find shabelle news in English

Mogadishu 19, June.07 ( Sh.M.Network) Qaar ka mid ah odayaasha beesha Sacad ayaa cambaareeyay fal ciidamada Ethiopia ay ku galeen guriga Cismaan Caato oo ay kala baxeen hub iyo waxyaabo kale.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen waxgaradka, salaadiinta iyo cuqaasha beesha Sacad, kana dhacay Muqdisho ayay wax laga xumaado ku tilmaameen howl-galladii baaritaan ee ciidamada Ethiopia ay ku sameeyeen guriga Cismaan Caato iyo waliba hadalada ka soo yeeray dowladda oo ah in xildhibaan Caato sharciga la horkeenayo.

" Maadaama aan nahay odayaasha iyo salaadiinta beesha Sacad waxaanu ka xun nahay Xadgudubka lagu sameeyay sharafta xildhibaanka, hubka laga qaadayna waxaa lahaa beesha oo dhan" ayuu si kulul u yiri Nabadoon Cil Cali Bullaae oo ka mid ahaa nabadoonadii kulankaasi ka qeyb qaatay.

Xasan Max'ed Cabdi Dheere oo ah nabadoonka beesha Sacad oo kulankaasi ka dib saxaafadda la hadlay ayaa isna waxa uu sheegay in beeshu aysan raali ka noqoneyn in sharaf dhac lagu sameeyo mudane ugu jira dowladda.

Waxgaradka beesha Sacad ayaa waxa ay ugu baaqeen dowladda KMG ah in ay garowshiyo ka bixiso xildhibaanka lagu xadgudbay.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay xoog ku galeen sida uu Sheegay Cismaan Caato hoygiisa isla markaana ay ka qaateen lacago, dahab iyo hub.

Re: Beesha Sacad oo war ka soo saaray baaristii lagu sameeyay gu

Posted: Tue Jun 19, 2007 8:08 am
by eyes-only
hashac Cool

Did you notice the ceyr were all shtum, not saying anything when all their leaders were put through the same process? And the sacad are rolling up their sleeves and making themselves heard all for one warlord....

Re: Beesha Sacad oo war ka soo saaray baaristii lagu sameeyay gu

Posted: Tue Jun 19, 2007 8:28 am
by AbdiWahab252
Eyes,

Cuz Cayr were the ones who spied and sold out their leaders.