War Degdeg: Ethiopian Convoy Attacked Tonight
Posted: Tue Jun 19, 2007 11:16 am
Sorry hiiraanboy but I beat u to this:
Qarax xoogan oo lagu weeraray ciidamada Ethiopia oo marayay Kulyaddii hore ee G/dhigga.
Muqdisho, Talaado June 19, 2007 Simba Radio
Qarax aad xoog badan ayaa maanta lala beegsaday Gawaari Ural ah oo ay la socdeen ciidamada Ethiopia, kuwaasi oo marayay agagaarka Kulyaddii hore ee Gaashaan dhigga ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ka dhashay Miino wadada lagu aasay ayaa waxaa uu waxyeelo u geystay mid ka mid ah Gawaaridii ciidamadu ay la socdeen, in kastoo aan khasaaraha rasmiga ah la ogeyn, sidaasi waxaa xaqiijiyay dad goob joogeyaal ku ahaa goobta.
Qaraxan oo dhacay galabnimadii maanta ayaan la ogeyn cidda ka danbeysay, hasa ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa falalka amni xumo ee ka jira magaalada Muqdisho, iyadoo falkii ugu dambeeyay uu xalay ka dhacay deg. Hiliwaa.
Qaraxa ka dib ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamo kale oo Ethiopian ah, iyagoona qab qabtay dad meesha ka agdhowaa oo ay ugu tuhmeen falkaasi dhacay in ay ku lug lahaayeen.