
Breaking News!!
Qaraxyo xoogan iyo iska horimaadyo caawa saqdii dhex ka bilowday Muqdisho.
Click here to find shabelle news in English
Mogadishu 19, June.07 ( Sh.M.Network) Qaraxyo dhowr ah oo ay xigsadeen iska horimaadyo la isku adeegsaday rasaas culus oo si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho ayaa caawa ka dhacay caasimadda Somalia ee Muqdisho
Abaarihii caawa saqdii dhexe saacadu markii ay aheyd 11:30 Pm ayaa mar qura laq maqlay madaafiic dhowr ah iyo qaraxyo, iyadoo sidoo kale la maqlay rasaas xoogan oo ka dhacday qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dad badan oo naga soo wacay xaafadaha KPP iyo Soona Taleex ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay maqleen rasaas xoogan iyo madaafiic dhowr ah.
Lama oga wali qasaaraha ay geysteen madaafiicdaan la is dhaafsaday iyo qaraxyada oo socday muddo nus saac ah iyo waliba goobaha la weeraray iyo kooxaha wax weeraray, laakiin dadka magaalada Muqdisho ayaa ku baraarugay mar qura dhawaqa qaraxyo aan kala joogsi laheyn iyo rasaas xoogan.