you can just TELL, this dude is getting ready to run after all the effort he put into starting a dagaal....after the sahan incident yesterday, where a mareexaan reconnaisance team and them clashed and the reconnaisance team went back to kismaayo, this guys packed up and moved closer to kismaayo but after they saw all the weaponry and thousands of men headed towards them they started going back
Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Magaalada Kismaayo
Jun 20,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya degaanada ay isku horfadhiyaan maleeshiyo beeleedka taabacsan Col.Afgaduud iyo Col.Koojaar iyo kuwa guutada 3aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegaya inay maleeshiya beeleedkii dhanka Buulogaduud ay dib uga baxeen ilaa iyo 5KM goobtii ay shalay soo dageen oo u dhow degaanka Luglow.
Saraakiisha ciidamada guutada 3aad ayaa xaqiijiyey dib u gurashada ay sameeyeen dhanka kale, iyada la arkayey 3 tikiniko oo wateen maleeshiyadii Buulogaduud oo baneeyey agaagii hore ee ay fadhiyeen. Dib u gurashada ay sameeyeen ayaa la ogeyn sababaha ka dambeeya xilli ay labada dhinac isku soo jirsadeen ilaa saaka aroortii wax ka yar ilaa iyo 2KM oo ay isku muuqdeen.
Boqolaal ka mid ah ciidamada guutada 3aad oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa tan iyo xalay laga daadguraynayey iyaga oo la isugu geeyey degaano kale oo ay ka gaabsadeen saraakiishii hogaaminaysa ciidamada. Dhanka kale, warar laga soo xigtay saraakiisha ciidamada guutada 3aad ayaa sheegay inuu Col.Afgaduud iyo labo gaari oo weheliso ay ka baxeen degaanka Buulogaduud oo ay iminka uu ku sugan yahay goob 10KM u jirta degaankaasi oo dhinaca Muqdisho ku aadan.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax dadaalo ah oo la doonayo in lagu qaboojiyo colaadaha ka aloosan magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, iyada oo laga cabsi qabo in labada dhinac ay dagaalo ka fool fool ah ay isaga horyimaadaan.
Dhinaca kale, gaari nooca loo yaqaano Jameska oo ay saarnaayeen ciidamo ka baxay magaalada Kismaayo oo goostay fariinka ayaa sababay dhimasho labo ka mid ah ciidamada guutada 3aad iyo dhowaacyo soo gaaray dhowr ka mid ah ciidamadaasi sida uu sheegay uu Gedonet u sheegay mid ka mid ah taliyaasha ciidamada guutada 3aad ee ku sugan magaalada Kismaayo.
GEDO-NN-Kismaayo News Desk
AFGADUUD MOVES BACK 10 KM TOWARDS XAMAR.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3722
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
- Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye
Re: AFGADUUD MOVES BACK 10 KM TOWARDS XAMAR.
DawladSade
Waamo ninka joogaa waa nin naf jecel. Kalluunka badda shabaq uma baahnid gacantaad ku soo qabsanaysaa. Cambe iyo moos baa meel walba ka baxaya. Caanuhu waa kumi iyo taano. Sidee nimanka khayraadkaas ku jiraa nafta u hurayaan.
6 months baa la lahaa dagaal baa ka dhcaya kismaayo. War ama is dila ama is daaya.
Waamo ninka joogaa waa nin naf jecel. Kalluunka badda shabaq uma baahnid gacantaad ku soo qabsanaysaa. Cambe iyo moos baa meel walba ka baxaya. Caanuhu waa kumi iyo taano. Sidee nimanka khayraadkaas ku jiraa nafta u hurayaan.
6 months baa la lahaa dagaal baa ka dhcaya kismaayo. War ama is dila ama is daaya.
- DawladSade
- SomaliNet Super
- Posts: 13940
- Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
- Location: Xornimo
Re: AFGADUUD MOVES BACK 10 KM TOWARDS XAMAR.
Cilmiile, aad ayaan uga xumahay dagaal inuu dhaco lakin haday dhacdo ninka madaxwaynaha aad ku sheegtid ayaa ka masuul ah. Haduu rabo kol hore ayuu iska hor imaadkaan dhamayn lahaa. He WANTS a clash to happen, and it is other men, not him, whol will suffer.
But this is abdullahi yusuf though. He also killed his brother-in-law Cabdirahman Caydiid, maxuu dayn marka
But this is abdullahi yusuf though. He also killed his brother-in-law Cabdirahman Caydiid, maxuu dayn marka
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 515 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 22 Replies
- 1982 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 18 Replies
- 172 Views
-
Last post by LobsterUnit
-
- 18 Replies
- 1444 Views
-
Last post by Murax
-
- 13 Replies
- 1912 Views
-
Last post by AyubD
-
- 19 Replies
- 4675 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 3 Replies
- 755 Views
-
Last post by mody21
-
- 40 Replies
- 3214 Views
-
Last post by BlackVelvet
-
- 34 Replies
- 9138 Views
-
Last post by sahal80
-
- 44 Replies
- 3807 Views
-
Last post by X.Playa