Waxaan ahay.. Waxaan a

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Waxaan ahay.. Waxaan a

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

Dacartuba mar bay malab dhashaa, muudsataa dhabaqe

Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaalle.

Midigtaydiyo bidixdaydu waa, labo mataanoode;

Midi waa martida soora iyo, maato daadihise;

Midna waa middiyo xiirayiyo, mur iyo deebaaqe.

Masalooyin talantaalliyaan, maandhe leeyahaye;

Mar baan ahay muddeec camalsanoo, maagista aqoone;

Marna macangag laayaan ahoo, miiggan baan ahaye.

Mar baan ahay muftiga reerkiyo, mudanow shiikhiiye;

Marna mukhawi waashoo khamriga, miista baan ahaye.

Mar baan ahay murtiyo baanisaba, madaxda reeraaye;

Oy weliba muuno iyo dulqaad, igu majeertaane;

Marna reer magaal loofaroon, muuqan baan ahaye.

Mar baan ahay nin xaaran maqdac ah, marin jidiinkiise;

Marna tuug mu’diya baan ahoo, maal Rasuul bixine.

Mar baan ahay maqaan awliyaad, maqaddinkoodiiye;

Marna mudanka shayddaanka iyo, maal jin baan ahaye.

Mar baan ahay nin midabaynayoo, maalinbays roga’e;

Muuqaygu gelinkiiba waa, muunad gooniya’e;

Miisaanna ima saari karo, qof i maleeyaaye.

Muslinkiyo gaalada dirkaba, waan micne aqaane

Malaa’iigta Naartiyo Jannada, waygu murantaaye.

Mahadhooyin kala kaan ahoo, la igu maansheeyey

Maahmaahahaan soo dulmaray, doqoni waa mooge;

Ninkii maalmo badan soo jiraye, madaxu boosaystay

Ee inan rag miisaami jirey, wuu i maan garane.

Nin kastaw halkii kula macaan ay, muhato laabtaadu eeh

aanad madadaaladeed, igala maarmaynnin

Iska soo mar waa kuu mubaax, marinkaad doonto’e
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Re: Waxaan ahay.. Waxaan a

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

Mar baan ahay muftiga reerkiyo, mudanow shiikhiiye;

Marna mukhawi waashoo khamriga, miista baan ahaye.

Laughing Laughing Laughing Laughing Cool
User avatar
Gatspy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7163
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm

Re: Waxaan ahay..

Post by Gatspy »

up up Awesome stuff EMM.
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Re: Waxaan ahay..

Post by adanboy »

whose this EOMM?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”