Abaabulka ciidan iyo Xiisadaha dagaal ee ka dhex aloosan dhinacyada isku haya Kismaayo oo sii laba lixaadsaday 24-kii saac ee la soo dhaafay, ka dib markii..
Waxaa saacadba saacada ka dambeysa sii kordhaya diyaar garow dagaal ee ka taagan beelihii dhowaan ku dagaalamay magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose, ee ku kala sugan gudaha magaaladaasi iyo tuulada Buulo Guduud oo ku taala duleedka woqooyi ee magaalada Kismaayo, halkaasoo mudooyinkanba ay ka taagnaayeen xiisado coladeed u dhexeeya labadaasi beelood.
Dhinacyadan oo maalmahanba isku hor fadhiyey duleedka magaalada Kismaayo, dagaalo goos goos ahna ay dhexmarayeen labada ciidan ayaa la sheegayaa iney ku kala sugan yihiin meel isu muuqata oo isu jirta ilaa 1-km wax ka yar, waxaana abaabulka ciidan la sheegayaa in si weyn looga dareemay deegaano ku yaala gobolka Gedo gaar ahaan degmada Baardheere oo iyadu la sheegay in maleeshiyooyin fara badan oo ka tirsan beesha Sadde ay iska soo abaabulayaan, iyagoo ku soo wajahan magaalada Kismaayo si ay magaaladaasi uga difaacaan dhinaca ka soo horjeeda ee ku sugan Buulo Gaduud.
Dhinaca kale, Maleeshiyooyin aad u fara badan oo ka soo jeeda beesha Absame kana yimid dhinaca magaalada Bu’aale ee gobolka J/dhexe ayaa soo gaaray degmada Jilib ee gobolka J/hoose, kuwaasoo ku hubeysan noocyada kala duwan ee baabuurta dagaalka, waxaana la sheegayaa in maleeshiyooyinkan uu hogaaminayo xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Geele fariid, lamana garanayo ujeedada ay halkaas u tageen iyo waxa ay damacsan yihiin.
Xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolada Jubbooyinka oo ka soo bilaabatay dagaal Kismaayo ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo markii dambe u kala baxay laba beelood ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaysa, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliyana ay ku guuldareysatay iney wax ka qabato xalinta dhibaatadaas, waxayna u muuqataa hadda iney indhaha ka daawaneyso colaadaha ka jira gobolka oo haddii intey goori goori tahay aan wax laga qaban keeni karta iney salfadaan nafaf badan.
Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com
Abaabulka ciidan iyo Xiisadaha dagaal ee ka dhex aloosan kis
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 55 Replies
- 3403 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 32 Replies
- 2740 Views
-
Last post by udun
-
- 5 Replies
- 1130 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 4 Replies
- 401 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 0 Replies
- 476 Views
-
Last post by kambuli
-
- 4 Replies
- 968 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 59 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 74 Replies
- 4219 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 55 Replies
- 3991 Views
-
Last post by udun
-
- 1 Replies
- 395 Views
-
Last post by LaY-D_LicK