XABASHI KILL WADAAD

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

XABASHI KILL WADAAD

Post by Hiiraan boy »

Nin ka tirsanaa culumaa’udiinkii Tabliiqa ee dhowaan ciidamada DF iyo kuwa Itoobiya ay kala baxeen Masaajidka Al-Hidaaya oo meydkiisa laga helay isgosyka SOS

Nin magaciisa lagu sheegay marxuum Yuusuf Maxamed Max’uud, kana tirsanaa culumaa’idiinka Tabliiqa ee dhowaan laga sii daayey xabsi ku yaala Villa Somalia, ka dib markii masaajidka Al-Hidaaya ay ka taxaabteen isaga iyo culumaa’udiin kale ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa xalay meydkiisa laga helay agagaarka isbitaalka hooyada iyo dhalaanka SOS oo ku yaala deegaanka Ex-koontrol Balcad ee magaalada Muqdisho.

Sida dad goob joogayaal ahi ay sheegeen ninkan ka tirsanaa culumaa’udiinka tabliiqa ayaa geeriyooday ka dib markii nin ku hubeysan bastoolad uu labo xabadood ku dhuftay abaarihii 9:00 fiidnimo xilli uu ka yimid masaajidka Tabliiqa ee Al-Hidaaya, kuna sii jeeday gurigiisa oo ku yaala deegaanka Fagax oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, lamana garanayo ilaa hadda cida ka dambeysa dilkiisa iyo sababaha loo dilay intaba, iyadoo ninkii falkaasi dilka ah geystayna uu baxsaday.

Culumaa’udiinka Tabliiqa ee ku sugan masaajidka Al-Hidaaya oo ku yaala meel aan ka fogeyn goobtaasi uu dilka ka dhacay oo ka war helay arintaasi ayaa daqiiqado ka dib soo gaaray goobtaasi, iyagoo ka dibna halkaasi ka qaaday meydka ninkaasi tabliiqa ahaa oo ay kula laabteen Masaajidka Al-Hidaaya, waxaana falkan dilka ah uu noqonayaa kii ugu horeeyey mudooyinkan ee lagula kaco culumaa’udiinka Tabliiqa, mana cada in falkan dilka ah uu yahay mid burcadnimo ah iyo inuu ahaa mid ninkaasi tabliiqa ah loola dan lahaa in lagu qaarajiyo, waxaana si weyn uga xumaaday dilkaasi dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa degan xaafada SOS oo iyagu ku tilmaamay inuu yahay mid waxashnimo ah.



Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com
*Arabman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2297
Joined: Fri May 04, 2007 2:17 pm

Re: XABASHI KILL WADAAD

Post by *Arabman »

May Allah forgive and reward marxuum Yuusuf Maxamed Max’uud, aamiin.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”