abdi Nuure Siyaad oo Ciidamada Ethiopia hub ka dhigis ku sameeyeen iyo Xildhibaan Maxamed Qanyare oo tani fariin ku socoto ah.
Ciidamada Dowladda Ethiopia iyo kuwa Dowladda Federaalka oo is kaashanaya ayaa hubkii uu lahaa Hogaamiye Kooxeedkii Cabdi Nuure Siyaad kala wareegay.
Howl gal ay shalay ka sameeyeen Guriga Cabdi Waal oo ahaa Mid ka mid ah Xubnihii Isbaheysigii La Dagaalanka Argagixisada ayay hub fara badan kala wareegeen.
Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaano Cabdi Waal waxaa uu xubin buuxda ka ahaa Isbaheysigii 18-Fabarayo 2006-da lagu unkay deegaanka Dayniile, markii laga adkaaday Isbaheysigaas waxaa uu gabaad ka raadsaday gudaha waddanka Ethiopia halkaas oo Jabhadeyn ka soo bilaabay.
Gelinkii dambe ee shalay ayaa isaga iyo Maleeshiyadii la socotay laga dhigay hubka, kadib markii gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Buulo-Xuubey ay gudaha u galeen Ciidamada Ethiopia kuwaas oo baaritaano ka waday maalmahan Xaafadaha Muqdisho gaar ahaan fariisamihii hogaamiye kooxeedyadii Magaalada Muqdisho.
Tani waxay soo afjaraysaa jiritaankii yaraa raggii ka tirsanaa Isbaheysigii La dagaalanka Argagixisada, kuwaas oo qaarkood jooga Muqdisho, waxaana hore u jirtay in Xubno ay ka mid ahaayeen Muuse Suudi iyo Bashiir Raage hubkoodii lagala wareegay.
Waxaase tani muujinaysaa ama ay fariin u tahay raga kale sida Xildhiban Maxamed Qanyare oo ahaa Hogaamiyeyaashii Muqdisho ugu tunka weyn uguna hubka badnaa, balse tiro hub oo uu horay u lahaa ku wareejiyay Dowladda.
Dad qaar ayaa aaminsan in hub ka dhigista lagu wada sameeyay Xubnaha horay uga tirsanaa Isbaheysiga Argagixisa la dirirka ay tahay tallaab horay loo qaaday, laakiin dadka ayaa iminka ah kuwo hadal haaya tallaabadan mida xigta taasoo ay ku sheegayaan in Xildhibaan Maxamed Qanyare uu ku socdo Jidkii la marsiiyay Ragii saaxibada la ahaa.
Cabdi Nuure Siyaad oo Ciidamada Ethiopia hub ka dhigis ku sa
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 356 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 2 Replies
- 298 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 44 Replies
- 2021 Views
-
Last post by Addoow
-
- 0 Replies
- 259 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 3 Replies
- 539 Views
-
Last post by COSTA
-
- 0 Replies
- 346 Views
-
Last post by new-york24
-
- 2 Replies
- 359 Views
-
Last post by zulaika
-
- 1 Replies
- 489 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 6 Replies
- 503 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 0 Replies
- 600 Views
-
Last post by Hiiraan boy