Bandoow lagu soo rogay magaalada Muqdisho

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Bandoow lagu soo rogay magaalada Muqdisho

Post by Hiiraan boy »

Bandoow lagu soo rogay magaalada Muqdisho

Click here to find this article in English

Mogadishu 21, June.07 ( Sh.M.Network) Guddiga amniga qaranka ayaa maanta waxa ay shaaca ka qaadeen in bandow lagu soo rogay magaalada Muqdisho, bandowgaasi oo bilaabanaya habeen dambe, xilli habeenadii la soo dhaafay ay ka dhaceen caasimadda weeraro iyo qaraxyo lala bartilmaameedsaday fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia.

Shir Jaraa'id oo si wada jir ah ay u qabteen guddiga amniga qaranka, maamulka gobolka Banadir iyo taliska booliska gobolka Banadir ayaa lagu shaaciyay in Bandow lagu soo rogay magaalafa Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga amniga qaranka Max'ed Warsame Darwiish oo maanta shir Jaraa'id ku qabtey hoygiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in laga bilaabo habeen dambe 7:00 Pm fiidnimo ilaa 5:00 Am subaxnimo ay bandow tahay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in bandowgaan ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia, iyagoo dagi doona isgoyskasta, saldhig kasta iyo xaafad kasta oo ka mid ah caasimadda.

Darwiish ayaa waxa uu intaasi ku daray in qofkii ku xadgudba bandowgaasi loo aqoonsan doono in uu yahay kuwa ka dambeeya qaraxyada iyo amaan darrida ka jirta caasimadda.

Waxa uu ugu baaqay shacabka in ay ka qeyb qaataan sugidda amaanka, lana shaqeeyaan ciidamada, isagoo sheegay in taasi ay barbar socon doonto baaritaano lagu baarayo hubka iyo walxaha qarxa ee ku jira xaafadaha magaalada.

Mr. Darwiish ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in 14 maalmood oo maanta ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho ay ka dhici doonaan qaraxyo isdaba joog ah, kuwaasi oo ah hub iyo walxaha qarxa oo laga soo uruuriyay magaalada Muqdisho oo ay qarxin doonaan ciidamada AMISOM ee Midowga Africa, shacabkana waxa uu ugu baaqay in aanu u arkin qaraxyadaasi kuwo amaan darri ah.

Guddoomiye K/xigeenka dhinaca siyaasadda maamulka gobolka Banadir C/laahi Xasan Ganeey Firinbi ahna K/simaha Duqa magaalada ayaa isna waxa uu ugu baaqay shacabka Muqdisho in haddii ay la kulmaan xaalado amni darri ah ay la soo xiriiraan saldhigyada iyo degmooyinka ku yaala xaafadahooda, isla markaana ay u hogaansamaan bandowga lagu soo rogay Muqdisho si loo helo nidaam iyo kala dambeyn.

Taliye K/xigeenka Booliska Somaliyeed Gen. John Fiidow ayaa sheegay in ciidamada booliska ay yihiin kuwo saaxiib la ah shacabka isla markaana shacabka looga baahan yahay in ay kala shaqeeyaan soo celinta dhinaca amaanka.

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilli magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ay ka socdaan howl-gallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo ay sheegeen in ay ku baadi goobayaan hub sharci darro ah iyo kuwa ka dambeeya qaraxyada iyo dilalka ka dhaca caasimadda
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”