Ciidamo Ethiopian ah oo ku sii jeeda Kismaayo
Posted: Thu Jun 21, 2007 8:06 am
(SomaliNet) Ciidamo Ethiopian ah oo aad u fara badan ayaa lagu soo waramayaa inay ku sii jeedaam dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba hoose.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadaasi ay xalay ku hoydeen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose, balse saakay ay u dhaqaaqeen dhanka magaalada Kismaayo halkaasoo maal-mihii dambe ay ka jireen abaabul dagaal oo u dhaxeeya labo beelood oo ku loolamaya gacan ku heynta Kismaayo.
Dadka ku dhaqan deeganada Afgooye ayaa Somalinet u xaqiijiyay in ciidamadu ay wateen hub aad u culus oo ay ku jiraan madaafiicda goobta, kuwaasoo sida ay sheegeen dadkaasi ay jiidayeen gaadiidka dagaal ee ay ciidamada Ethiopia wateen, laakiin waxaa ilaa iyo haatan aan sugneyn waxyaabaha uu la xiriiro socdaalka ciidamada Ethiopia ee ku adan Kismaayo.
Ciidamada Ethiopia ayaa horey howl-galo uga sameeyay deegaanada Jubba hoose kadib markii ay halkaasi kula dagalameen ciidamadii golaha maxaakiimta islaamka, laakiin ciidamada Ethiopia markii dambe ayay isaga soo baxeen magaalooyinka Jubbada hoose iyo deeganada hoos yimaada.
Magaalada Kismaayo ayaa dagaalo qaraar ka dhaceen 23 bishii April ee sannadkan kadib markii labo beelood ay halkaasi ku dagaalameen, kuwaasoo kawada tirsan taageerayaasha dowlada federaalka ee Somalia.