TFG ASKAR STEAL FOOD AID WADAJIR MUQDISHO

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

TFG ASKAR STEAL FOOD AID WADAJIR MUQDISHO

Post by Hiiraan boy »

Ciidamo ka tirsan DF iyo dadweyne si wadajir ah uga qeyb qaatay boob loo geystay raashin mucaawino ah oo laga qeybin lahaa degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley


Raashiin hey’adda WFP ay ugu talo gashay dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho kana koobnaa galey, Saliid iyo Boorish ayaa maanta dadweyne fara badan iyo ciidamada ka tirsan kuwa booliska G/Banaadir waxay si wadajir ah ugu boobeen degmada Wadajir xili la doonayey in loo qeybiyo dadweyne masaakiin ah ee ku nool labadaas degmo oo feylal dhaadheer ku jiray tan iyo aroornimadii saaka.

Boobka raashinkan oo ka koobnaa ilaa 8 gaari oo labada degmo ee Wadajir iyo Dharkeyney ay u kala lahaayeen min 4 gaari ayaa ka dambeeyey markii khilaaf ka dhashay habka loo qeybinayo ay soo kala dhex gashay maamulada degmooyinkaasi iyo ciidamada dowladda federaalka ee ilaalada ka ahaa raashinkaasi taasoo keentay in dadweyne fara badan oo sugi waayey inta laga xalinayo khilaafka taagan ay ku soo qamaamaan raashinkaasi, taasoo keentay nin halkaasi uu ka bilowdo boob iyo bililiqo xoog leh oo markii dambe ay dhinacooda uga biireen ciidamada Booliska, iyadoo guud ahaanbana raashiinkaasi la boobay.

Dadweyne fara badan oo danyar ah aana awoodi Karin iney muruqooda adeegsadaan ayaa falkaasi ka xumaaday, iyagoo tan iyo aroortiina feylal dhaadheer ugu jiray sidii ay rashiinkasi u calfan lahaayeen, waxaaana dhinaca kale la arkayey ciidamada booliska oo labo gaari oo raashiinkaasi ka mid ah qoryo ku waardiyeysanaya kana ceyrsanaya dadkii wax boobayey, waxayna wararku sheegayaan in ciidamada booliska ay ahaayeen kuwii sababay isla markaana horseeday in raashiinkasi la boobo, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo heyadda WFP oo ku aadan dhacdadan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”