4 TFG ASKAR WOUNDED IN DIINSOOR BOMB ATTACK
Posted: Fri Jun 22, 2007 5:25 am
XOOGAGA KACDOONKA EE BAY IS ALIVE
5 ruux oo ku dhaawacmay bam gacameed lagu weeraray saldhigga deg. Diinsoor
Click here to find shabelle news in English
Diinsoor 22, June.07 ( Sh.M.Network) ilaa 5 qof ayaa ku dhaawacmay bam-gacmeed lagu tuuray saldhigga booliska degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Labo ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaan ayaa xaaladooda waxa ay tahay mid aad u culus, kuwaasi oo ka tirsan ciidamada booliska ee ka howl-galayay saldhigga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Sida uu shabelle u sheegay Nuur Cismaan oo ka mid ah howl-wadeenada Isbitalka Magaalada Diinsoor, dadka dhaawacmay 4 ka mid ah waxa ay ahaayeen ciidamada dowladda halka qofka kalena uu ahaa rayid ka agdhowaa saldhigga booliska.
Weerarkaan ayaa waxa uu dhacay abaarihii 8 dii fiidnimo oo dhiman qadar 10 daqiiqo ah, waxaana cabsi iyo walwal uu ku abuuray dadka ku dhaqan magaalada Diinsoor.
3 habeen ka hor ayay aheyd markii Bam gacmeed lagu tuuray guri ka agdhow taliyaha booliska degmada Diinsoor, inkastoo aanu wax qasaaro ah geysan bamkaasi.
Qaraxaan ayaa noqonaya kii 3aad oo ka dhaca degmadaasi tan iyo intii dowladda KMG ah ay la wareegtay gacan ku heynta degmada Diinsoor ee gobolka Baay.