BREAKING NEWS ciidamo gurmad ah from muqdisho to kismaayo
Posted: Fri Jun 22, 2007 9:46 am
Muqdisho: Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in ay ciidamo udireyso Jubooyinka.
22. juni 2007
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland)- Wasiirka arimaha gudaha ee dawlada Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa wuxuu sheegay in ay dawlada Soomaaliya haatan ciidamo udireyso Jubooyinka.
Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in ay DFKMGS go'aan aan lafulin ka qaadatay arimaha ka socda Magaalada Kismaayo,wuxuuna sheegay in ay dawlada Soomaaliya dhawaan halkaasi udireyso ciidamo ka socda dawlada Soomaaliya oo kala dhexgala labada dhinac.
Maxamed Maxamuud ayaa wuxuu arintan sheegay in ay tahay mid xasaaasi ah ayna ka codsadeen dhinacyada is horfadhiya in aysan dagaal bilaabin,isagoo sheegay in ay khadka Telfoonka kuwada xiriiraan qeybaha kala duwan.
Gacma dheere oo la weydiiyay go'aamada dawladu ka qaadatay arimaha Jubooyinka ayaa wuxuu sheegay in ay go'aamadaasi ka mid yihiin in dhinacyada hubka laga dhigo ,maamulka gobalka iyo kan degmada is rasmi ay uga hawlgalaan Magaalada Kismaayo.
Dawlada Soomaaliya ayaa waxaa horay loogu eedeeyey in ay arimahan ka gaabisay ,balse wasiirka arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere) ayaa wuxuu arintaasi ku tilmaamay mid been ah dawlada Soomaaliya ay wado qorshayaashii kala duwanaa.
Wasiirka arimaha gudaha wuxuu intaas raaciyay in ay dhawaan dawlada Soomaaliya halkaasi udireyso ciidamo ka socda dawlada Soomaaliya,wuxuuna sheegay in uu go'aankaasi ka yimid kulan ay hor uyeesheen xubnaha kala duwan ee dawlada Soomaaliya.
Hadalka wasiirka arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa wuxuu ku soo aaday ,ayadoo xiisado dagaal laga soo sheegayo gobalka Jubada hoose ,gaar ahaana deegaanada ay isku hor fadhiyaan ciidamada DFKMGS ee magaalada ka baxay 23-April iyo Maleeshiyo la wareegtay Magaalada Kismaayo.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland