Page 1 of 1

Inku dhow 15 qarax oo xalay gil gilay caasimadda Somalia

Posted: Sat Jun 23, 2007 4:43 am
by Hiiraan boy
Inku dhow 15 qarax oo xalay gil gilay caasimadda Somalia



Mogadishu - 23-June-2007-Allceeldheer.com Qaraxyo dhowr ayaa ruxay xalay caasimadda Somalia ee Muqdisho, qaraxyadaasi oo qalqal galiyay dadka magaalada Muqdisho ayaa tiradooda lagu qiyaasay in ku dhow 15 qarax, iyadoo bandow dowladda KMG ah ay ku soo rogtay uu ka hirgalay caasimadda Somalia.

Qaraxyo dhowr ah ayaa ka kala dhacay xaafadaha, Geed-jaceel, Albaraka, Warshaddii hore ee Baasatad iyo xaafadda Tusbaxle ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaasi aan la soo sheegin wali wax qasaaro ah oo ay geysteen iyo waliba si rasmi ah halka loola beegsaday.
Inkastoo labo ka mid ah qaraxayadaasi lala eegtay fariisinka ciidamada Ethiopia ee agagaarka warshaddii hore ee Baastada, lamana soo sheegin wax qasaaro ah.
Dadka magaalada Muqdisho ayaa walwal ka muujiyay qaraxyadani is xigey ee ka dhacay xalay caasimadda Somalia.

Afhayeen u hadlay Maamulka gobolka Banadir ayaa waxa uu sheegay in badowgii dowladda ay ku soo rogtay caasimadda uu ka hirgaliyay islamarkaana loo qabqabtay dad badan oo ku xadgudbay bandowga, inkastoo maamulka uu ka gaabsaday qaraxyadii xalay ruxay caasimadda, balse uu sheegay in war ay ka soo saari doonaan.

Allceeldheer news Desk Mogadishu
Contact us E-mail: allceeldheernews@yahoo.com