BREAKING NEWS MEREHAN SAI WERE NOT WITH TFG
Posted: Sat Jun 23, 2007 10:30 am
Shir saxafadeed ay urururka dalada dhalinyarada ee Deg/B/xaawo ay saaka ku qabteen xarunta degmada ayaa waxay ugu baaqeen dhammaan xubnaha Beesha SADE ee ku jira DFKS inay isaga soo tagaan Dowlada ra'iisul wasaare Geedi iyo C/laahi Yuusuf taasoo ay ku tilmaameen inay tahay Dowlad Qabiil laakiin aysan ahayn Dowlad Qaran.
Waxay ururkan Dhalinyarada ee Deg/B/xaawo ay halkaasi ka xuseen in uu C/laahi Yuusuf sal u yahay abaabulka coladeed ee ku wajahan gobolka J/Hoose ee lagu doonayo inuu gobalkasi gacantooda ka baxo beesha SADE ee hada halkaasi ku sugan.
maxaa yeelay iyaga ayaa bilaabay dagaalakii dhawr bilood ka hor ay ku qaadeen gudaha magaalada Kismaayo taasoo kadibna looga gacan sareeyay,intaa danbadeed waxaa la isku dayay dadaalo nabadeed oo lagu dhexdhexaadinayo labadaasi beelood ee halkaasi Khilaafka siyasadeed ku dhexmaray,balse ay diiday beesha uu ka soo jeedo C/laahi Yuusuf,ninka kooxdaasi hogamiyana ee Col.Afguduudna uu sheegay inay waxaan dagaal ahayn aysan ku galayn magaalada Kismaayo.
Waxay sidoo kale cabaareeyeen dagaalkii saakay aroornimadii ka qarxay Tuulada Buula guduud oo markale looga gacan roonaaday.
ugu dambayntiina Gudoomiyaha Ururka Dalada Dhalinyarada ee Deg/Bxaawo Maxamed Ibraahim (maxamed Daqare)oo kulan saxaafadeedkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay xubnaha
baarlamanka,wasiirada,wasiir ku xigenada iyo saraakiisha ciidamada inay isaga soo tagaan dowladan Qabiileed, wuxuu sidoo kale ugu baaqay bulshada SADE inay si wadajir ah isaga difaacaan gardaradan cad ee an geedna loogu soo gaban.
Aden Afgooye
B/xaawo
Gedoweb Online